Vitamin C ogow.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Vitamin C waxa aynu uga baahanahay si jidhkeenu uu u koro sidoo kale unugyada dhaawacma iyo unugyada gaboobay loo bedelo oo looga dhigo unugyo shaqadooda si caafimaad qab ah u gudanaya.

Goorma ayaad u baahan tahay vitamin C.

  • Marka difaaca jidhka kor looqaadayo.
    • Hab difaaca jidhku waxa uu diciifa jidhka marka uu kusoo noqnoqdo caabuq sidoo kale qofku aanu helin waxyaabaha hab difaaca kor uqaada sida cuntada ,daawada iyo nasashada.
  • Unugyadeena marka aynu ka ilaalinayno in ay dhaawacmaan.
  • Collagen maadada jidhka siisa is haysashada oo aynu doonayno in aynu xoojino ,vitamin c shaqo baaxad weyn ayuu ka qaataa.
  • Iron-ta in laga nuugo mindhicirada oo qofka ay wax u tarto waxa qayb baaxad weyn ka qaata vitamin C ,bukaanada iron toodu ay yartahay aad ayuu muhiim ugu yahay.
  • Nabarada,nabarka bogsashadiisa waxa kaqayb qaata vitamin C ,xilliyada nabarku uu marayo bogsashada waxa uu siiyaa nabarada bogsasho hor leh.

Calaamadaha lagu garto in Vitamin C uu kaa yaryahay.

  • Diidid.
  • Awood li’i joogto ah.
  • Barar ciridka ah.
  • Cirid dhiig .
  • Kale-goysyada oo ku xanuuna.
  • Maqaarka oo qalala.

Qofka maalintii intee ayaa laga rabaa in uu isticmaalo oo vitamin C ah.

  • Ragga: 90 mg maalintii.
  • Gabadha: 75 mg maalintii.
  • Gabadha uurka leh: 85 maalintii.
  • Hooyada jaqsiinaysa naaska ilmaha: 120 mg maalintii.

Caruurta yaryar:-

  • 1-3 sanno: 15 mg
  • 4-8 sanno: 25 mg
  • 9-13 sanno: 45 mg
  • 14-18 sanno: 65 mg (wiilasha), 75 mg (gabdhaha).

Caruurta yar yar inta badan waxa u ogolaan kara in lasiin karo vitamin C dhakhtar.

Cuntooyinka laga helo vitamin c.

Mohamed ibrahim

/

Mihnadle caafimaad.

★ ★ ★ ★ ★