Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Vitmain-nadu waa umuhiim caruurta da’da dhexe ku jirta.
Inta uu ilmuhu uu kujiro da’da dugsiga waxa aad muhiim u ah in lala socdo Vitamins ka .
Ujeedada ugu weyn waa in laga hortago nafaqo darada iyo koritaanka ilmaha oo hoos udhaca.
FAAIIDOOYINKA KU JIRA IN VITAMIN LA SIIYO ILMAHA :-
– Waxa uu ka helayaa calcium iyo magnesium oo u wanaagsan lafaha iyo awoodda muruqa oo ah in ilmaha laga dhiso.
– Waxa uu ka helayaa Vitamin A oo u fiican aragtida indhaha.
– Waxa uu ka helayaa ZINC oo ah macdan dhista difaaca ilmaha sidoo kale xasilooni siisa.
– Waxa uu ka helayaa Vitamin D ,ilmaha difaaciisa,awoodiisa xasuuseed iyo lafta ilmaha dhisaya.
– Vitamin B complex ayaa ah mid sidoo kale ilmaha xasuustiisa maskax ahaan ,caafimaad qabka xangulaha iyo dareen wadka mid kor uqaada.
– Vitamin C oo ka caawinaya ilmaha bogsashada nabarada badanaa soo gaadha ,habdifaaciisa oo xoogaysta iyo sidoo kale qurux iyo dhalaal siinaya ilmaha.
Vitamins ka waxa aad maalintii siin kartaa ilmaha hal xabo adigoo u eegaya da’diisa.
Xasuusnow!
Hasiin vitamin aanad kale tashan daawo-yaqaan ama dhakhtarka caruurta.
@caafimaadka.net
@mohamed ibrahim/mihnadle caafimaad.