Macdanaha iyo Vitamin nada saameeya dhiigga caadada ee dumarka.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Dhiigga caadada ayaa hab qashin saar oo makaanka iyo inta ku hareeraysan ay isku dhaafiyaan waxyaabaha laga soo daayo ama ugxan ha ahaadaan ama wasakh iyo nadiifinta gidaarada la nadiifinayo waxyaabaha kasoo goay ha ahaadaan.

Dhiiga caadadu waa in uu socdo muddo 7 cisho ah oo ugu badnaan.

Khalkhalka ku dhacaya dhiigga caadada ayaa waxa ugu badan loo aaneeyaa vitamin-no haday ka dhiman yihiin gabadha .

7-vitamin oo lala xidhiidhiyo in hadii ay ka yaraadaan gabadha in khalkhal ku dhacayo dhiigga caadada:-

  • Vitamin B12
    • waxa uu saxaa faldajiyeyaasha taranka ka qaybqaata,hadii uu gabadha ka yaraado khalkhal dhiigga caadada ah iyo madhalaysnimo calaamadeheedi ayaa lagu arkaa.
  • Magnesium.
    • Waxa ay yaraysaa kaarka adag ee xilliga dhiiga caadada,muruqyada iyo habdareenka neerfaha ee makaanka ku hareeraysan oo dabca,kadib xanuunka ayaa yaraanaya.
  • Omega 3 fatty acid.
    • Makaanka iyo xubinta taranka ayey ka ilaalisaa caabuqa iyo kaarka joogtada ah.
  • Vitamin D.
    • Mudada uu soconayo dhiigga caadada ,kaarka badan ,vitamin D gu waxa uu saxaa xilliga dhiigga caadada iyo in uu yareeyo kaarka badan ee imanaya.
  • Calcium.
    • Waxa ay yaraysaa xaalada fikirka badan ee xilliga dhiigga,kaarka badan iyo hawada badan/naqaska uurku jirta gabadhu ka dareemayso .
  • Vitamin B6.
    • Waxa uu kor uqaadaa faldajiyeyaha progesterone’s ,waxa uu ka dhigaa dhiigga caadada mid si toos ah wakhtigiisa u dhamaada.
  • Zinc.
    • Waxa uu caawiyaaa hab taranka ,waxa uu yareeyaa kaarka badan ee dhiiggu uu ku keenayo gabadha.

Gabadhu haday vitamin ka iyo macdanahan ay qaadato waxa horumaray oo caafimaad qab badan ay ka dareemi doontaa xubnaha taranka ,xilliga dhiigga caadada wax dhib ah ku keeni maayo.

Vitamin iyo macdano qaado si aad uga soo kabato xaaladda vitamin la’aanta.

@caafimaadka.net

Mahadsanid.