Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Waxa uu iman karaa marka ay hooyadu umusho ilaa 12 usbuuc kadib ,waa dhiig bax khatar badan oo saameyn ku yeelan kara gabadha.
Waxa ay u baahan tahay goob caafimaad in hore loo geeyo si tallaabo xilli hore loo qaado.
Calaamadahan ayaa kuu muujin kara :-
- Dhiig xubinta taranka ka yimaada kaas oo socod leh lagu qiyaasayo 500ml .
- Dhig cas .
- Diidid.
- Qaraaca wadnaha oo sareeya.-
- Caad indhaha ka fuula/aragtida oo madow noqota.
- Gariir.
- Caddaan baabocooyinka iyo indhaha xiribta hoose/dhiig laan ayey muujinaysaa.
- Yalaalugo.
- Awood darri.
Haddii aad haysato qalabka lagu cabiro cadaadiska dhiigga waa muhiim in aad sii cabirtid blood pressure ka,si aad u ogaato qaraaca wadnaha iyo cadaadiska wadnaha.
Dhiigga umusha ka danbeeya xilli walba uu iman karaa,12 usbuuc kadib umusha inta u dhaxaysa .
MAXAA KEENI KARA DHIIGGA UMUSHA KADIB?
- Muruqa makaanku marka aanu sidii larabay aanu ushaqaynayn.
- Jug haday gaadho muruqa makaanka.
- Marka ma dheertu ay xilli hore ka go’do gidaarka ilma galeenka ilmaha oo aan dhalan.
- Xinjirowga dhiiggu marka uu hoos u dhaco.
Qodobada kale ee dhiigga umusha kadib yimaada keeni kara waxa ka mid ah hooyada da’deeda.
Sidee loola tacaalayaa?
Goob caafimaad waa in ay aado ama lageeyo.
Baxnaano guri ma noqon karo dhiigga hooyada ka imanayaa.
@Dhakhtarku waxa uu faahfaahin doonaa waxa keenaya iyo hab daaweyntiisa.
Mahadsanidin.