Faa’idooyin kooban oo laga dhaxlo naasnuujinta khaaska ah ee aanu la socon caanaha kale ee macmalka ah:

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

  • Naasnuujintu waxay ilmaha ka ilaalisaa xanuunada sida oofta, shubanka, qoorgooyaha ( meningitis), dhagadilaaca iyo weliba caabuqyada ku dhaca kaadi mareenka.
  • Ilmuhu wuxuu noqdaa mid caqli badan
  • Waxay yaraysaa xasaasiyada iyo in lmahu uu yeesho xiiq
  • Waxay yaraysaa macaanka, xanuunada raaga sida coeliac disease, UC, Crohn’s disease
  • Waxay yaraysaa kansarka ku dhaca dhiiga

Faa’idada hooyadu ay ka hesho:

  • Dhiigbaxa foosha kadib ayay yaraysaa
  • Kala korinta carruurta
  • Kansarka ku dhaca naasaha ayay ka hortagtaa
  • Macaankana way ka hortagtaa

Hadii uu ilmuhu naasnuujinta qaadan waayo muxuu khatar ugu jiraa?

  • Carruurta aan la naasnuujin waxa ku soo noqnoqda infekashanada kala duwan kuwaas oo sababa dhimasho badan sannad kooda u horeeya, caruurta la naasnuujiyay se difaacooda oo adag awgood way ka adkaysi badnaadaan.
  • Waxa ku bata calool socodka, mataga, oofta marka naaska loogu badalo caanaha macmalkaa amaba caanaha xoolaha xitaa hadii nadaafada caanahaas lagu dadaalo

Hooyooyin badan baa weeka ugu horeeyaba ka niyad jaba naasnuujinta oo markaba idhaahda kuma filna naaska caanuhu. Intaanad ka joojin ama aanad caano kale u bilaabin fadlan fahan khataraha aad wajihi karto waalid hadaad dayso naaska caanihiisa ama se aad yaraysaba.

Laba qodob uun eeg hadaad is leedahay ilmahu ma helayo naas ku filan

  1. in aanu culays kiisu korayn. Waa inaad miisaanto isha kama garanaysid miisaanka, hooyo Soomaliyeed oo walbaaba ilmo buuran bay rabtaa markaa waa in la miisaamo ilmaha dhawr jeer oo isku xigta markaa la eego inuu korayo iyo in kale
  2. Kaadida oo yaraata

Ta saddexdaad ee soo raaci kartaa waxa weeyaan haduu weli saxaroonayo wax madow afar cisho ka dib dhalashadiisa macanaheedu waxa weeyaan naas ku filan ma helayo ilmuhu.

Dr nuuradin Dr Garaad.