Dhibaatooyinka caruurtu ay ka dhexlaan khilaafka waalidka.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Waalidku waa hagaha ,dhayaha iyo himilo dhiska ilmaha,badanaa marka labada waalid khilaaf soo kale dhexgalo ,hadii aan hore loo qaboojin xiisadda iyo khilaafka waxa ay kordhisaa in khilaafku uu labadooda soo dhaafo ,codkii kor uu noqdo caruurta uu gaadho kadib.mnvx

Khilaafka koobaad waxa uu ilmaha ka dhigaa mid u qaadan waa ah ,taas oo ku hogaaminaysa cabsi iyo moral jab aan daawo lahayn.

Dhibaatooyinka ka dhalan kara waxa ka mid ah :-

  • Feker badan iyo isku buuq.
  • Cabsi joogto ah.
  • Kalsoon la’aan.
  • Ilmaha oo difaac marwalba ku jira.
  • Ilmaha oo kalinimada jeclaada.
  • Ilmaha oo aan xidhiidh wanaagsan la yeelan bulshada.
  • Runsheegis la’aan.
  • Balwadaha oo ilmuhu uu barto si uu wakhtiga isku dhaafiyo.

Ilmaha dhibaatooyinka qoyska kudhex koray maxaa loo qaban karaa caafimaad ahaan.

  • Waalidka in loo sheego in ilmaha xidhiidh joogto ah ay usameeyaan.
  • Dhiiri galin iyo la talin joogto ah.
  • In ilmaha lageeyo deegaan nabdoon,hadii uu dawaysmay.
  • In waalidku dhexda u xidhaan in ilmahaa badqabkiisa laga fikiro hadii ay kale tageen xataa.
  • Hadii uu ilmuhu uu dibad joog uu noqday ,in laga daaweeyo maandooriyaha,sida kaliya ee maandooriyaha lagaga joojin karaa in lala tashado dhakhtarka caruurta iyo dhakhtarka xanuunada maskaxda la xidhiidha si habdaaweyntiisa looga wada tashado.

@caafimaadka.net