Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Human metapneumovirus (HMPV) waa caabuq ku dhaca hawo-mareenka ,2001 ayaa marki ugu horaysay la ogaaday inuu dheef-mareenka uu saameeyo.
Badanaa waxa uu saameeyaa caruurta iyo da’da dhexe walow dadka waaweyn cases badan la arkayey sababtoo ah hab difaacooda.
Siyaabaha uu ku faafi karo waxa ka mid ah:-
- Hawada oo uu ku neefsado qof xanuunka qaba.
- Hadii qofku uu ku qufaco ama uu hindhiso.
Calaamadaha lagu garto waxa ka mid ah:-
- Qufac.
- Xumad.
- Cabudh joogto ah.
- Cuno-xanuun.
- Shanqadh iyo cidhiidhi sanbabada ah.
Caruurta iyo dadka waaweyn ayaa iyaga lagu arkayaa in caabuq uu kudhco tuunbooyinka hawadu marto ee hawo mareenka iyo sidoo kale xanuunka oofta.
Sidee lagaga hortagi karaa?
- Nadaafadda oo la ilaaliyo.
- Xidho facemask xilliyada dadka ladhexgalayo.
- Xilli hore oo aad goob caafimaad aad aadid.
- Isticmaal paracetamol,xumadaadana xadee adoo la tashanaya dhakhtarkaaga.
Daawo maleeyahay?
- May ,ilaa hadda macadda xanuunkan wax daawo uu leeyahay.
Sidee loo baadhaa?
Shaybaadhka waxa lagu baadha PCR.
Hab daaweyn rasmiya maleh qofka waxa loo qabanayaa waxyaabahan:-
- Xumadda in laga jabiyo.
- Difaaciisa qofka in kor looqaado.
- Heerka caabuqiisu hadii uu sareeyo in la xadeeyo.
- Heerka oxygen tiisa in la cabiro ,hadii uu ubaahdo in kor looqaado oo oxygen lagu xidho.
Kudedaal:-
- Afkaaga ku dabool mask.
- Gacmahaaga dhaq.
- Gacmahaaga ha taabsiin wajiga.
- Difaacaaga kor uqaad.
- Isku socodka yaree.
@caafimaadka.net
Mohamed ibrahim .