Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Dhaawaca isha soo gaadhaa uu badan yahay waxa ka mid ah :-
- Sun iyo waxyaabo dareere ah oo isha dhaawaca.
- Hub sida isha laga taago dismis,mindi iyo waxyaalo kale oo bir ka samaysan.
- Dhaawac fudud sida dhagax iyo waxyaabaha la tuuro .
Adeeg gargaarka degdeg ah waxa aynu ugu qaban karnaa qofka:-
- Isha haddi ay waxkudaateen sida kiimikooyinka dareeraha ah ,biyo soo qaado kadib isha isku day adoon taabanayn inaad ku shubtid.
- Hataaban isha ,taabashada badan waxa ay sii kordhinaysaa dhaawaca isha gaadhaya.
- Saar maro nadiif ah ,ku xidh balaster.
- Hakasaarin isha waxyaabaha ku jira sida dismiska,biraha kale duwan iyo qoryaha.
- Sababta looga saarayn ,in xidid dhiiga qaada ay haysato ama dareen siiyaha isha.
- Ilaa loo diyaariyo xaalad walba oo lagula tacaalo lagama saari karo waxyaabaha isha muda.
- Hadii isha aad ku aragtid in uu dhiig kasocoda ,ku qabo maro nadiif ah adiga oo aan ku cadaadinayn.
- Hadii uu xanuun baabiiye ka agdhowyahay waa in uu isticmaalo xanuun baabiiye sida paracetamol.
Qofka waa in goob caafimaad la geeyo si xaaladiisa lagula tacaalo.