Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Goorma ayay Vitamin Supplements ay muhiim noqon karaan?
Nolosheena magaalada isbedel wayn ayaa ku dhacay, dad badan oo mashquulkoodu badan yahay haddana ma helaan cunto dheeli tiran oo faytamiin iyo macdan ku filan ay ka helaan. Waxa kale oo inagu soo batay adeegsiga cuntooyinka warshadaysan iyo kuwa deg dega ah (Processed iyo fast foods). Taas ayaa lama huraan ka dhigaysa in qofku qaato faytamiino jidhka caawiya. Haddaba waxa jira marxalado iyo dad gaar ah oo usii baahan in faytamiinada si gaar ah loo siiyo
𝟏. 𝐇𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐥𝐞𝐡 𝐚𝐦𝐚 𝐧𝐮𝐮𝐣𝐢𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚: waxay u baahan tahay folic acid, xadiid (iron), iyo DHA (docosahexaenoic acid). walxahaasi waxay si gaar ah u caawiyaan koritaanka ilmaha uurka ku jira, gaar ahaan maskaxda iyo xangulaha. Sidoo kale, waxa u baahan xubno ay ka mid yihiin bu’da araga isha, maqalka, iyo koritaanka garaadka caruurta. Hooyada lafteeda waxa laga ilaalinayaa in faytamiinadu ka yaraadaan taas oo saamaysa maqaarka, timaad, ciridka iyo ilkaha, hurdada, maskaxda iyo tamarta jidhka.
𝟐. 𝐂𝐚𝐫𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚 𝐜𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐱𝐮𝐧 (𝐩𝐢𝐜𝐤𝐲 𝐞𝐚𝐭𝐞𝐫𝐬): caruurta abateedku ka xun yahay ama cuntooyinka inta badan aan jeclayn sida khudrada, hilibka iyo caanaha ayaa u baahan faytamiinada.
𝟑. 𝐃𝐚’𝐝𝐚 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐲𝐧 𝐥𝐢𝐱𝐝𝐚𝐧 𝐬𝐚𝐧𝐨: markasta oo da’da qofku sii waynaato waxa itaal dareeya dheef shiidka; awooda uu u leeyahay inuu cuntada kala baxo nafaqada faytamiinadu ka mid yihiina way yaraataa. Waxa kale oo kordha baahida jidhku u qabo macdanaha iyo faytamiinada qaarkood sida Faytamiin D, Kaalshiyam, Faytamiin B12, iyo qaar kale. Faytamiinadaas yaraaday waxay uga sii daraan lafo jileeca, awood darada, isla markaana waxay jidhak u nuglaysaa xanuunada qaarkood. Sidaa darteed, waxa lagu la taliyaa in ay qaataan Supplements tayo fiican oo baahidooda daboola.