Siyaabaha kale duwan ee u ilaalin kartid daawada insulin.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Insulin waa mid ka mid ah daawooyinka lagu daaweeyo xanuunka macaanka.

Isticmaalkeeda kasekow waxa aad muhiim u ah qodobo kale oo la xidhiidha tayada sida ilaalinta daawada iyada oo aad u eegaysid goobaha kale duwan ee loo ogol yahay in la dhigo.

Waxa ugu horeeya ee aad ubaahantahay si aad insulin u ilaalisid :-

  • Tallaagad.
    • Daawada aanad furin waxa aad ku ilaalinaysa temperature ah 36-48F(2-4C),yaanay fadhiisan oo baraf noqon.
    • Daawada aad furtid waxa aad ku ilaalinaysa temperature ah 0-77F(0-25C) muddo 28 cisho.
  • Ka fogee daawada insulin heerkulka aadka usareeya.
    • Ka fogee qoraxda,kulka dheyaha iyo qaboojinta daran.
  • Marka aad qaadanaysid oo aad ubaxaysid goob fiiri:
    • Midabka daawada oo hadii midabku iska bedelo biyo oo kale ama caddaanku uu ku badan yahay waa mid aan sifiican u shaqaynayn.
    • Midabka la ogolyahay waa midabkan
  • Marka aad safraysid.
    • Marka aad safraysid waxa aad u baahantahay in insulin loo helo agab kooban oo baraf lagu guro si loo ilaaliyo daawadu in ayna isbedelin.
  • Markasta oo aad ibsanayso daawada insulin waa in aad eegtid wakhtigeeda(expire) ka ,hadii wakhtigii ay dhacaysay ay dhaafto waxa ay keeni kartaa in daawadu ay shaqayn waydo.

Insulin tu in ayna kuu shaqaynayn maxaad ku garan kartaa?

  • Heerka sonkortaada ma dajinayso.
  • Midabkeeda oo is bedela.
  • Calaamadaha sonkortu marka ay sarayso ayaad isku arkaysaa.
    • sida haraad badan.
    • kaadi badan.
    • miisaankaaga oo hoos udhaca.

Insulin ilaali warbixino intan kasii badana ka akhri warqadda lasocota daawada insulin.

@caafimaadka.net

Leave a Reply