Marka aad hargabku qabto, waxaa laga yaabaa inaadan dareemin inaad cunto u baahan tahay iyo in kale.  

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Laakiin, waa lagama maarmaan in la helo fuuq-celin  iyo nafaqooyinka aad u baahan tahay si aad uga  soo kabsato durayga.

 Maraq, shaah sinjibiil, miraha, iyo boorashka ayaa laga yaabaa inay yihiin cuntooyin si degdeg ah usoo celin kara cunto doonistaada.

DAREERE QAADASHADU WAXA AY YARAYSAA HEERKA FUUQ BAXA.

Dhididka,xumadda saraysaa iyo cunto laantu qofka waxa ay kukeentaa in ay hoos udhacaan dhamaan awoodihiisa ilaa uu kici kari wayo.

Si aad uga hortagto isticmaal:-

  • Liin macaan ta.
  • Liin qarbooshta iyo qaybaha kale duwan ee liinta(orange).
  • Isticmaal qaraha.
  • Biyo badan ayaa laga helaa qajaarka.
  • Shaah sinjibiil leh.
  • Shaah liin dhanaan leh .
  • Khudaarta cagaaran oo la shiiday.

Dhamaantood sonkorta waa in laga yareeyo.

Qofku hadii duraygu u raaco shuban iyo mantag waxa lumaya macdanaha ,waxa uu qofku qaadanayaa:-

  • ORS,waxa laga helaa farmasiiyashaasha.

Hadii qofka cunto qaadashadiisu ay fiicantahay inta hore waxa loo doorbidaa:-

  • Digaag lagu dhafay khudaarta karsanta.
  • Kalluun iyo khudaarta karsanta.
  • Waxa lagu lamaanaynayaa khudaar iyo badan.

Mala siin karaa sharoobo cunto qaadashada kordhisa?

Haa ,kabacdi durayga.

Leave a Reply