Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Hadii dhakhtarkiisu qofka uu u ogolaado in uu soomo ,waa muhiim in uu sameeyo qodobadan.
- In aad ku suxuurato cunto sonkortaada aan kicinayn sida sareenka iyo caano oo kale.
- Sonkortaad in aad cabirtid 3 saacadoodba mar.
– Shaqooyinka adag oo dhan waa in aad yaraysid.
Cuntooyinka aad ku afuraysid waa mid u baahan in aad ka taxadirtid.
Marka aad afurtid ,waa in ayna heerkaaga sonkortu ayna aad usaraysmin ,waxa aynu halkaas galinaynaa cuntooyinkii loo yaqaanay *Cuntooyinka heerka sonkortoodu ay hoosayso ,si degdeg ahna aan u kicinayn heerka sonkorta*.
Cuntooyinkaa waxa ka mid ah :-
– Timirta.
– Cuntada galka leh.
– Faasuuliyaha.
– Garowga.
Kaliyata intan maaha way kabadan yihiin.
Qofku waxyaabah kale ee uu ku darayo cuntooyinka kor kuxusan waxa ka mid ah :-
– Khudaarta cagaaran.
– Furuutka sida liinta ,canbaha noocyadiisa kale duwan iyo avacado.
– Waxa uu qofku uu kulamaanaynayaa cuntooyinka barootiinka leh sida kalluunka,hilibka digaaga iyo hilibka xoolaha.
*Cabitaanka biyuhu waakuwa ugu muhiimsan,si qofka macaanka leh uu iskaga ilaaliyo fuuq baxa.
Khudaar ay muhiim tahay in ay afurkaaga ay kujiraan>
– Timirta.
– Tufaaxa.
– Canbe babayga.
– Saytuunka.
– Liin macaanta.
Waa muhiim marka aad afurtid in aad daawadaada qaadatid.
Latasho dhakhtarkaaga.