Heerka sonkorta oo saraysaa waxa ay saameysaa ugxanta ragga.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Heerka sonkorowga oo aan xadidnayn kaas oo sarraysa marwalba(250mg/dl isaga oo qofku qaadanaya dawadiisa ) waxa loo yaqaan hypgerglycemia.

Badanaa xaaladdan waxa ay ku timaadaada dadyowga la nool xanuunka macaanka.

Daawada oo aan si saxan loo qaadan iyo cuntada qofka oo aan raacin sidii lagula taliyey waxa ay keenaysaa in heerka sonkortiisu ay aad u saraysanto.

Siyaabaha uu heerka sonkortu u saamayso ugxanta ninka waxa ka mid ah:-

  • Sonkorta aadka u saraysaa waxa ay saameysaa hiddo-sidaha ugxanta kadib waxa ay hoos udhigtaa socodka ugxanta iyo jiritaanka ugxanta in la helo.
  • Sonkorta aadka u saraysaa labka waxa ay ku keentaa in uu hoos u dhaco hoormoonka testestrone kaas oo ka qayb baaxad weyn ka qaata samaysanka ugxanta ama manida ninka.
  • Sonkorta aadka u saraysaa waxa ay bedeshaa qaabka uu u samaysantahay ugxanta labku,taas oo keenaysa in qaab-dhismeedka iyo muuqaalka guud ee ugxantu in ay isbedesho.
  • Sonkorta aadka u saraysaa waxa ay keenta in ugxantu ay sifiican ugaadhi waydo beedka la bacriminayo ee gabadha.
  • Heerka sonkorta oo saraysaa waxa ay hoos udhigtaa dareeraha manida waxyaabaha ay ka koobantahay.
  • Heerka sonkorta oo saraysaa waxa ay keentaa caafimaad darro soo wajahda biyaha ninka .

QOFKA MACAANKA LEH EE NINKA AH MUXUU U BAAHAN YAHAY:-

Xaaladan hadii ay wajahdo qofka ninka ah waxa muhiim ah in uu la xidhiidho dhakhtar takhasus u leh xanuunka macaanka.

  • Heerka sonkorta waa in la dajiyo.
  • Cunto nafaqo leh oo aan sonkortaa kicinayn waa in aad qaadatid.

@caafimaadka.net

Leave a Reply