7- Siyaabood oo macaanku usaameeyo kaadi-haysta.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Heerka sonkorta oo aad usareeyaa waa mid saameyn balaadhan ku leh dhamaan habdhiska jidhka ee kale duwan.

Kaadi-haystu waxa ay ku taalaa xagga hoose ee uur-kujirta ,Dhexda labada miskood udhexaysaa lafta loo yaqaan hip bone.

7-siyaabood ee macaanku u saameeyo kaadi-haysta waxa ka mid ah:

Heerka sonkorta oo saraysaa siyaabaha ay usaamaynayso heerka sonkorta waxa ka mid ah:-

  • Heerka sonkorta oo saraysaa waxa ay keentaa kaadi-badan.
  • Caabuqa kaadi-haysta,heerka sonkorta oo saraysaa waxa ay wiiq-daa hab-difaaca qofka ,kaadi-haystu waxa ay hoy u noqotaa bakteeriyada ,maadaama ay helayso sonkor badan oo koritaan iyo taran ay kusamaynayso.
  • Shaqada kaadi-haysta oo hoos udhacda, macaanka/sonkorowgu waxa uu dhaawacaa unugyada dareenka ee ka shaqaysiiya kaadi-haysta ,qofka macaanku uu ka dhaawacay unugyadaas waxa soo wajaha :-
    • Kaadida oo uu xajisan kari waayo.
    • Kaadida oo aan ka faaruqin kaadi-haysta.
    • Degenaanshiyo la’aan kaadi haysta ah.
  • Heerka sonkorta oo aad usaraysaa waxa ay keeni kartaa xanuuno jiitama oo soo wajaha kaadi-haysta sida kansarka kaadi-haysta ku dhaca iyo xanuuno kale oo soo wajaha kaadi haysta.
  • Kaadida oo ay soo raacdo sonkor aad ubadan waa mid dhaawacaysa caafimaadka iyo bad-qabka kaadi haysta.
  • Ugu danbayn sonkortaada oo aad usaraysaa waa mid dhaawacaysa tuunbooyinka kaadi-haysta iyo kelyaha.
  • Heerka sonkorta oo saraysaa waxa ay keenaysaa in ay aad ushaqayso kaadi-haystu,oo bukaanka waxa lagu arki doonaa noq-noqod badan oo suuliga ah.

@caafimaadka.net

W/Q Mohamed ibrahim

Mihnadle caafimaad.

Leave a Reply