Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
HYPOCALCEMIA oo loo yaqaan cudurka yaraanta kaalshiyamka, waxay dhacdaa marka heerarka kalshiyaamtu dhiigga ku hooseeyso.
hadii ay muddo badan ka yaraato qofka waxa ku dhici kara :-
- Ilkaha oo burbura.
- Lafaha oo aad u jilicsanaada.
- Xaalado caafimaad darro oo maskaxda ah.
- Cadaadiska dhiigga oo hooseeya.
- Lafaha oo dillaaca.
Xaaladaha kale duwan ee qofka ku iman kara hadii aan ladaaweyn waxa ay keeni kartaa dhimasho.
Calaamadaha lagu garto xanuunkan hore looma arko .
CALAAMADAHA LAGU GARTO IN KALSHIYAAMTU KAA YARTAHAY.
- Muruqyada oo xanuuna qofka.
- Hurdo yari.
- Ciddiyaha iyo jidhka oo qalala.
- Lafaha oo jilca si sahal ahna u jabi kara.
- Xanuuno ilkaha ah .
- Muudh iyo iskubuuq.
HADII LA DAAWEYN WAAYO MAXAA DHICI KARA?
- Xanuun jiitama oo muruqyada iyo kale gooysyada ah.
- Caabuq joogto ah oo ilkaha ah.
- Jabitaan .
- Xaalad isku buuq ama muudh .
- Degenaanshiyo la’aan joogto ah .
- Gariir.
SIDEED UGA HORTAGI KARTAA?
Isticmaal cuntooyinka ay ka mid yihiin gallayda ,garowga ,digirta ,harakooga ,faasuuliyaha iyo misir.
isticmaal kalshiyam taageere ah oo kiniini ah adiga oo ku dhex ridaaya sufur ama koob biyo ah.
OGSOONOW .
Daawooyinka kalshiyaamta fadlan ha isticmaalin dhakhtar la’aan .
sababtoo ah waxa ay sababi karaan wadne xanuun iyo dhagaxaanta kelyaha fadlan la xidhiidh dhakhtar inta aanad isticmaalin.