NAFAQO-DARRADA CARUURTA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

SIDEE AYEY NAFAQO-DARRADU U WAXYEELAYN KARTAA ILMAHAAGA?
Nafaqo-daradu waxay saameysaa korniinka jidhka
iyo maskaxda ilmahaaga.

Ilmaha nafaqo-daro qaba waxa dhib ku ah inay la socdaan waxbarashada
dugsiga.

Waxa kale oo ay u badan tahay inay jiradaan sababta oo ah nafaqo-darada oo yareysa awoodda jidhku kula dagaalamo cudurada.

AYAA HALIS U AH?
Waxa laga yaabaa in nafaqo-daradu dhibka ugu weyn u geysato caruurta sababta oo ah waxay u baahan yihiin cuntooyin kala duwan si ay u koraan
oo u ahaadaan kuwo caafimaad qaba.

WAA MAXAY CALAAMADAHA NAFAQO-DARRADU?
Marmarka qaarkood, waxa ilmuhu u muuqan karaa mid caadi ah oo caafimaad qaba xiitaa haddii ay nafaqo-daro hayso.

Taasi waa sababta ay muhiim utahay in la geeyo xarunta caafimaadka si loo baadho.
Mararka kale calaamadaha nafaqo-darada waxa ka
mid noqon kara:
• Daal
• Feejignaanta oo dhib ku ah.
• Calool bararsan.
• Maqaar qalalan.
• Iyaga oo si weyn caato u ah una gaabaan
­
marka la eego da’dooda.

MAXAA LAGA RABAA WAALIDKA IN AY SAMEEYAAN?
• Haddii aad u maleynaysid in ilmahaaga nafaqodaro hayso, u tag dhakhtarka ama xarunta dcaafimaad ee kugu dhow Waxay ilmahaaga u sameyn doonaan baadhitaan waxana ay kuu sheegi doonaan wixii aad sameyn lahayd si ilmahaagu u noqdo mid xoog leh oo caafimaad qaba. Waa inaad dib ugu laabatid baadhitaano dheeraad ah si loo arko in ilmahaagu u koroyo si xoog iyo caafimaad leh.
• Ilmahaaga sii noocyo kala duwan oo ah cuntooyin caafimaad leh maalin kasta sida xabuubka ama badarka, khudaarta, cagaarka iyo caleenta, caano iyo cuntooyinka ka sameysan caano, hilib, kaluun iyo digir.
• Haddii aad naas-nuujisid, waa inaad cuntid cuntooyin caafimaad leh oo kugu filan si jidhkaagu u sameeyo caano ku filan ilmaha isla markaana jidhkaagu u helo tamar iyo nafaqooyin ku filan. Waa inaad cuntid khudaar, cagaar iyo caleen, xabuub ama badar aan buushe laga saarin, borootiin iyo cuntooyin leh kaalshiyam sida caanaha oo badan.

MAXAA KEENI KARA NAFAQO DARRADA?

  • xanuunada wadnaha kudhaca.
  • abaaraha .
  • cunto qaadashada oo yar.
  • xanuunada mindhicirada ku dhaca.
  • xanuunada lafdhabarta kudhaca.
  • kansarka.