8 DHIBAATO OO LAGALE KULMO DHIIKARKA AADKA U SAREEYA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Dhiikarku waa cadaadis ay sameeyaan dhaman tuunbooyinka qaada sababta ugu weyna ay tahay xididada oo dhuudhuubanaya ,kadibna qarxaya ama xinjir ay xidhayso xididkii.

Cadaadiskaas waxa uu ku imaada qofka oo qaadan waaya daawada dhakhtarku uu usoo qoray ,qofka oo aan ka fogaan milixda oo iyana kor uqaada heerka cadaadiska dhiigga.

1)WADNE QABATOW.
Xinjirowga dhiiggu wuxuu ku qulquli doonaa socodka dhiiggaaga wuxuuna xannibi doonaa socodka dhiigga ee wadnahaaga ama maskaxdaada, taasoo keenta wadno qabad ama istaroog.
2)WADNAHA OO SHAQADA GABA.
Marka gidaarada xididada wadnaha ee dhiiga qaadaa dhuudhuubnaadan way adkaanayaan kadib wadnuhu waxa uu saamaynayaa shaqo adag oo uu ku tuurayo dhiigga ,shaqadaas badan waxa ay keenaysa in uu wadnuhu uu ballaadho ,kadib uu awoodi waayo in uu xubnihii muhiimka ahaa uu gaadhsiin waayo dhiigga .
3)LAAB XANUUN.
xaaladan waxa loo yaqaan angina waxa la dareemaa marka uu wadnuhu uu isaga laftiisu ubahanyahay dhiig.
4)KELYAHA OO DHAAWACMA.
shaqada kelyuhu aad ayey muhiim inoogu yihiin habsami ushaqaynta jidhkeena ,cadaadiska dhiigga oo aad usareeyaa waxa ay keentaa in ay dhaawacmaan halbowlayaasha dhiigga qaada , hadii ay dhaawacmaan waxa imanaysa inay kelidu ay waydo dhiig iyo nafaqooyinka dhiigu u sido kadib ay dhimato shaqadeediina ay meesha ka baxdo .
5)DHAAWACA INDHAHA .
Indhuhu waa xubnaha ugu muhiimsan ee jidhkeena dhinac markaan ka eegnana ugu awooda yar sifudud u dhaawacmi kara.
dhiikarku waxa uu u saameeyaa xidida indhaha oo dhawacma ,barara marmarka qaarna keeni kara inuu qarxo .
taas waxa ay keeni kartaa in uu dhiiggu uu ku furmo indhaha .
6) XUBNAHA TARANKA.
waxa uu hoos u dhigaa taranka labka iyo dhediga.
hamada ayaa qofka ku yaraanaysa .
7)XANUUNADA LUGAHA KU DHACA .
xanuunka loo yaqaan PERIPHERAL ARTERIAL DISEASE waxa dhuudhuubnaanaya artery yada lugaha taas oo uu keenayo dhiikarku  ,qofka waxa bararaya lugaha .
8)KHATARTA DHIIKARKA LOO YAQAAN HYPERTENTION CRISIS.
Hypertention crisis waa xaalad emergence ah oo cadaadiska dhiiga oo ka sareeya  180/120mm/hg ayaa loo qaraan hypertention crisis.
waxa uu aad u saameeyaa unugyada waa weyn sida wadnaha ,sanbebada , maska iyo kelyaha.