6 QODOB OO AAD KAGA HORTAGI KARTID KANSARKA KU DHACA NAASAHA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Keliya akhrinta ereyadaas waxay ku abuuri kartaa dumar badan walwal. Taasina waa wax dabiici ah.

Ku dhowaad qof walba wuu ogyahay qof uu taabtay cudurka.

Laakiin waxaa jira war badan oo wanaagsan oo ku saabsan kansarka naasaha maalmahan. Daaweyntu way sii fiicnaaneysaa, waxaanna in ka badan sidii hore uga ogaannay siyaabaha looga hortago cudurka.

lixdan tallaabo ee fudud ayaa kaa caawin kara yareynta halista kansarka naasaha. Mid kastaa ma khusayso haweeney kasta, laakiin marka la isku daro waxay yeelan karaan saameyn weyn.

1.MIISAANKA.

waa hab fudud in lajaangooyo rididda miisaanku , ilaalinta miisaanka caafimaadka qaba oo u dhaxeeya 65–75kg ayaa ah ka caafimaad ahaan u wanagsan.

miisanka badan waxa uu kordhiyaa halista xanuunka kansarka naasaha ku dhaca iyo dhaman kansarada kale duwan ee qofka ku dhaca .

2.JIMICSIGA .

jimicsigu waxa uu xal wanaagsan u noqday xanuuno badan in ay dadku la noolaadan ama ay kaga hortagaan. Jimicsiga joogtada ahi sidoo kale waa mid ka mid ah hababka ugu wanaagsan ee lagu caawin karo in miisaanka la ilaaliyo.

30kii daqiiqoba dumarku waxa ay halis ugu jiraan kansarka naasaha.

jimicsigu waxa lagaga hortagi karaa kansarka naasaha ,fadlan jimicso.

3.ISTICMAAL KHUDAARTA CAGAARAN IYO FURUUDKA.

cuntooyinka cagaaran iyo furuutyadu waxa ay xoojiyaan hab difaaceena ,hadii difaceenu uu wanaagsanaado waxa aynu helaynaa awood ah caafimaad dhamaystiran.

4.SIGAAR CABBIDDA .

jooji sigaar cabidda.

sigaarku waa habdhaqan saamayn xun ku leh bulshada ,sanbabadu waxa ay inoo qaabilsan yihiin in ay inoo fudaydiyaan hawooyinka ,iyo kale gadisanka hawada .

sigaarku waxa uu saamayn xun ku hayaa dhamaan hawo mareenka iyo sanbabadda .

kansarrada dhammaan saameeya jidhkeena waxa sii kordhiyaa waxyaabo badan waxayabaha ugu badan waxa kamid ah sigaar cabidda.

5.NAAS-NUUJINTA.

Naas-nuujintu waxa ay yaraysaa in xanuunka kansarku uu kudhaco qofta dumarka ah .

dumar badan oo soomaaliyeed ayaan ubadkooda naasnuujin ,iyaga oo siinayaa caanaha qasaacadaha .

ilmahaas caafimaad jidhkiisa iyo caafimaadka maskaxdiisuba wax ay noqon mid aan fiicnayn.

hooyada naasnuujisaa waxa ay ka bedbaadaysaa halista kansarka naasaha ku dhaca.

6.KALE-KORIYAHA.

kiniinada kale koriyuhu waxa ay kordhiyaan heerka uuku iman karo xanuunka kansarka naasaha ,hadii hooyadu ka weyntahay 30 jir waxa ka mamnuuc ah in ay isticmaasho xanuunka kale koriyaha ,hadii kale waxa ay galaysaa halis ah in kansarku uu ku dhaco.

fadlan ka fogow kale koriyaha .

CALAAMADAHA KANSARKA NAASAHA KU DHACA.

  • qanjidhada kilaankisha gacanta oo barara.
  • barar dhammaan naaska.
  • ibta hore ee naasaha oo xanuun/kaar badan yeelata.
  • naaska oo adkaada.
  • ibta oo dareere kasoo baxo sida dhiig ,dheecan dareere caddan ah oo aan caano ahayn.

Community Verified icon
Community Verified icon