GARGAARKA DEGDEGA AH .

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Gargaarka degdegaah waa daryeel lasiiyo bukaanka inta aan la gayn goob caafimaad.

Gargaarka degdegga ahi waa kaalmo gaaban oo la bixiyo markii wax lama
filaan ahi dhacaan si loo badbaadiyo nolosha, loona hortago dhaawac dheeri ah, qofka dhibaataysanna looga khafiifiyo xanuunka, inta laga gaarsiinayo gargaar dhakhtareed oo sare.

Naf ayaad badbaadinaysaa haddaad degdeg wax uga qabatid
• Qof neeftu ku xirantay;
• Qof aad u dhiig baxaya;
• Qof xiskii lumiyey;
• Qof sumooday.

Degdeg-u-gargaaruhu waa inuu garto xadkiisa shakhsi ah oo wax-qabad, uuna raadiyo wax-qabad dhakhtareed oo aqoon leh sida ugu dhaqsaha badan.

BADBAADI QOFKA DHIIBBAN.

  1. Hubi in bukaanku qabo halis kale ama
    aad adiguba wax noqotay.
  2. Haddii ay suurowdo, u daa bukaanku
    meeshiisa ha yaallee, ilaa laga baarayo.
  3. Haddii bukaanku mantago dhinac ujiifi si’
    aan neeftu ugu xirmin.
  4. Haddii aan ay jirin muuqaal noolaasho
    (neefsasho iyo dhaqaaqa) eeg inuu
    hunguriga-cadka furanyahay iyo bilaabi
    cadaadinyada xabadka haddii suurtogal
    ah (30laab cadaadis:2hawo siin).
  5. Bukaanka wax huwi si uu dugsi u helo,
    ugana badbaado dulin dibadeed.
  6. Cadaadis ku dhig meesha dhaawaca ah
    si aad u joojiso dhiigga ka baxaya (iska
    ilaali).Duub do qabbir meelaha dhaawaca ah.
  7. Go’aami habka ugu wanaagsan oo
  8. bukaanka qaadi karo.
  9. U yeero taageero aqoon leh sida ugu
  10. dhaqsaha badan.

XUS-LUNKA.

Xus lunka badanaa waxa keena xaalado badan oo caafimaad darro waxa kamid ah dhaawac,cadaadiska dhiigga oo hooseeya,heerka sonkorta oo hoosaysa,neef qabatow iyo xaalado caafimaad darro oo kale.

-Hubi in bukaankuu xis
qabo(la hadal hebel hebel……)


• Haddii bukaanka xis ka
lumay kor u qaad garkiiska.

hubi in hunguri cadkiisu uu furanyahay.

• Hubi inuu neefsanayo: Soo
fiiri, dhegeyso, gacantaada
isticmaal.


• Hadduu neefsanayo, dhinac
aamin ah u jiifi.

Haddii buukaanku aanu neefsanayn oo
aan ay jirin muuqaal noolaasho, bilaabi
waxqabad loo yaqaan ‘CPR’ haddii aad
garto oo ku kalsoontahay in aad sameysid.
Ciribta gacantaada u dhig buukaanka
xabadkiisa dhexdiis (meesha labada
ibabtiisa dhexdood). Gacantaada kale
ku dhig meesha sare. Hoos u riix 4-5cm
si xog leh oo degdeg ah. Hoos u riix 30
cadaadinyo, kaddibna ku neefsi 2 neefo
bukaanku afkiisa.

hadii aad aragtid in uu qofku aanu neefsanayn waad wadaysaa ilaa inta uu qofku neefsanayo ama aad dhakhtar ka gaadhsiinaysid.

LASOCO CASHARAKA KU XIGA .