7 QODOB OO AADKAGA HORTAGI KARTO MADAX NUUNKA(DHANJAFKA).

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

madax xanuunka loo yaqaan dhanjafka waxa badanaa uu ku dhacaa qayb madaxa ilaa wajiga ah , badanaa waa dhinac sida madaxa qaybtiisa sare , isha illaa daanka oo midig ama bidix ah .

dhanjafku ku waxa uu la xidhiidha habdhiska dareen wadka .

badanaa xanuunkan wakhtiga uu dadka hayo waxa loo qaybiyaa laba mid qofka uu haynayo 4 saac iyo mid uu qofka uu ku raagayo oo uu haynayo muddo 3 cisho ah .

dadka uu aadka ugu soo noqnoqdo madaxanuunkan saaidka ah waa qaar badanaa hurdadoo aad u yartahay , waxa kale oo lala xidhiidhiyaa biyo cabista , haddi ay yaraato in iyadana uu iman karo .

biyaha iyo hurdaduba waxa ay jidhka siiyaan awood iyo shaqo wanaagsan .

dadka xanuunkan leh waxa lagula taliyaa badanka in ay biyo badan cabbaan iyo hurdo ku filan .

qodobada kale ee loo aanaynayo in uu xanuunka iman karo waxa ka mid ah isticmaalka mobile lada kale duwan , computer rada iyo shaashadaha iftiinka xad dhaafka ah ay kasoo baxayaan dhamaantood waxa ay qofka ku keeni karaan in uu ku dhaco magriene .

dadka badanaa madaxanuunkan uu ku dhaco waa dadka ka yar 45 sanno .

SIYAABAHA AAD KAGA HORTAGI KARTID XANUUNKA MAGRIANE.

1)KAFOGOW CODADKA AADKA U SARREEYA IYO MURAAYADA IFTIINKOODU BADANYAHAY.

-Codka awoodda badan ee baabuurta xamuulka , codka sare ee sameecada ,earphone nada mobile lada iyo qofka oo aad uhoos fadhiista meel cod awood badan u ka soo baxayo waa waxyaabaha kiciya xanuunka migraine ka.

iska naaqus iftiinka badan ee mobile ka ,computerka iyo sameecadaha dhaga ee awoodda badan.

2)CUNTOOYINKA QAAR WAXA AY KOR UQAADI KARAAN HALISTA DHANJAFKA.

-cuntooyinka qaar ayaa sababa in madaxanunka dhanjafku uu imaad waxa kamid ah chocolate ka ,cheese ka , hilibka la shiilay waxa ay kordhiyaan xanuunka magriane .

3)CUNTO KUGU FILAN IYO HURDO WANAAGSAN SEEXO.

cuntada aad qaadanaysid oo noqota mid dheeli tiran xaaladaada caafimaad ee dareen wadka iyo hurdaada , cuntada dheeliga tiran waxa ay kaa cawinaysaa in aanad u baahn dheelitrayaasha fiitamiinada ka kooban ee qofku uu ubaahan yahay.

4)ILAALI CUNTADA AAD QAADANAYSID.

Cuntadaad qaadanaysid waa xukumaysa khatarta aad ugu jirto xanuunka dhanjafka.

-cuntadaada oo aad ilaalisid kana fogaatid cuntooyinka lagu yidhi ka fogow -jimicsigaaga oo aad hagaajisid .

-cimilada aad kunooshahay waxa ay kor uqaadaysaa heerka xanuunka , la tacaal .

5)ISTICMAAL FIITAMIINADA.

Fiitamiinadu waxa ay ka qayb qaataan iskudheelitirnaanta jidhkeena hadii fiitamiinada iyo macdanuhu jidhkeen ay ka yaraadaan waxa hoos udhici karaa qayb shaqaynta jidhkeena , sidoo kale xanuunka dhanjafku uu iman karaa .

6)KA FOGOW ISKU BUUQQA.

Xaaladaha ugu badan ee keena xanuunka dhanjafka waxa ka mid ah fikirka badan .

hawlahaaga oo aad kale xadayso naftaadana aad nasasho fiican aad siisid waxa ay kor u qaadaysaa in aad ka fogaato isku buuqa , halista aad ku qaadaysid dhanjafka way kordhaysaa.

7)DHIIGGA CAADADA.

Dhiigga caadada waa mid kamid ah waxyaabaha dumarka ku keeni kara xanuunka dhanjafka maadama qofku uu dareemayo xanuun saaid ah iyo degenaanshiyo la’aan ka kowtahay isku buuqa , uu sababay dhiigaas.

marwalbah 6 dii saacba isticmaal xanuun baabiiyaha biyo badan waa in aad isticmaashid .

CALAAMADAHA KHATARTA BADAN EE UU DHANJAFKU LEEYAHAY.

-Kaar aad u badan .

-dawakhaad.

-yalaalugo.

-gariir .

-suuxdin .

xaaladda uu ku hayo xanuunku hadii ay ka badato 72 hour waxa muhiim ah in aad dhakhtar aadid.

FADLAN HA ISTICMAALIN DAAWO KA BADAN HAL KINIIN HADII KALE WAXA DHICI KARTA IN SAAMAYN KALE KU TIMAAD KELYAHAAGA .