Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Boogaha iyo nabarada ay yeeshaan dadka macaanka la nool waa nabarro ku bilowda sida finka , dillaac ama dhaawac soo gaadha adimaha iyo gacmaha.
waa nabar furan oo leh dhammaan calaamadihii caabuqa(cassaan , barar iyo diirimaad) saddexduba waxa ay ina tusiyaan goobtaas in caabuq uu ka jiro .
nabarradan waxa ay kudhacaan 15% kiiba dadka macaanka leh .
qofka sonkorwga leh waxa uu halis uu u gali karaa in la jaro adinka ama lugta boogta nabarku kaga taal ,sababtoo ah badanaa waxa ay dhakhaatriirta ay yimaadaan iyaga oo aan waxba laga qaban karin , nabarkiina uu caabuq uu yeeshay .
Dadka isticmaala insulin waxay halis sare ugu jiraan inuu ku dhaco boog cagta ah, sidoo kale bukaanada qaba cudurka kaadi macaanka, kilyaha, iyo wadna xanuunka. Miisaanka culus iyo isticmaalka
Cudurka xididdada dhiiggu wuxuu adkeyn karaa boogga cagta, wuxuu yareeyaa awoodda jirku u leeyahay inuu bogsado wuxuuna kordhiyaa halista infekshinka. Sare u qaadista gulukooska dhiigga waxay yareyn kartaa awoodda jirku u leeyahay inuu la dagaallamo infekshan dhici kara iyo sidoo kale gaabis bogsashada.
CALAAMADAHA .
calaamadaha ugu horeeya nabar marka uu samaysmayo waxa kamid ah
cassaan ,barar iyo diirimaad, qofka qaba macaanka hadii lugihiisa ama gacmihiisa saddexdan calaamadood uuku yeesho waxa muhiim ah in uu ogaado in uu nabar boog ah uu kusoo fool leeyahay goobtaas.
sida ugu degdega badan dhakhtar u aad inta calaamadahas ay cusub-yihiin.
KA HORTAG.
- Subaxdii fiiri lugahaga iyo gacmahaga ka eeg calaamado nabar.
- ha socon kabo la’aan.
- xidho kabo aan ku hayn ,kana samaysan cudbi hoostoodu adagtahay oo ayna waxba kasoo dhex tafayn.
- isticmaal cunto dheeli tiran , haddi ay adagtahay isticmaal vitamin nada dadka macaanka leh loogu talo galay.
- hadii aad isku aragto nabar si degdeg ah goob dhakhtar u gaadh.