Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Indhuhu waxa ay leeyihiin biyo ilinta oo kale ah ,biyahaas oo faaiidooyin badan u qabta isha sida in indhaha ka ilaaliyaan qalalka , in ay siiyaan xaydhayn si uu u yaraado is xoqa marka isha qofku uu dhaqdhaqaajinayo si uu u arko hareeraha iyo xaga hore ,waxa baalasha indhaheena ku yaala qanjidho soo daayaa ilintas.
xaaladan waa xaalad ku badan dadka waaweyn , waxa ay tusisaa in ay tahay xaalad caafimaad darro oo kusoo wajahan indhaha .
marka aynu indhaha isku qabano , ilmo ayey soo daayaan , ilmadaas waxa ay sifaysaa dhammaan qaybta hore ee isha ee loyaqaan cornea , wiilka waxa ku dhexyaal daloolkii iftiinku uu ka dhexbaxayey kaas oo inoo sahlaya in aynu sifiican wax u aragno.
MAXAA SABABA IN BIYAHAAS INDHAHA KA YARAADAAN?
- DA’DA.
Da’du marwalba oo ay sii weynaato waa xaalad lagu arko qofka weyn ,hadii qofku uuka weynaado 50jir waa xaalad lagu arko indho qalalku.
- JINSIGA.
Jinsiga marka la eegayo ragga iyo dumarka ,waxa aad ugu badan dumarka marka loo eego ragga , sababta ugu weyn ee loo aanaynayo waxa weeyi isbedelka hormone -nada , uurka iyo dhalmo joojinta.
- DAAWOOYINKA.
daawooyinka qaar ka mid ah waxa ay hoos u dhigaan in ishu ilin badan ay yeealan taas oo ku keenaysa in ay qalasho ishu.
daawooyina waxa ka mid ah:-
-daawooyinka loo qaato sanboorka.
-daawooyinka dhiikarka.
-daawooyinka dajiyeyaasha isku buuqa.
- DADKA QABA XANUUNADA JIITAMA.
Xanuunada jiitama sida roomatiisamka , qanjidhka thyriodka(tayroodhka), caabuqyada kale duwan ee indhaha . waxa ay qofka ku keenaan in ilinta indhuhu ay yaraato indhuhuna qalal badan sidaa ku yeeshaan.
- MURAAYADAHA IFTIINKA BADAN .
Smart phones ka , muraayada waaweyn ee iftiinka badan , computerska iyo laanbadaha iftiinka badan waxa ay yareeyaan in lasoo daayo ilin badan oo indhaha qalalka l ka ilaaliliya .
CALAAMADAHA INDHO QALALKA.
- xuub fuula wiilka isha.
- iftiinka oo dhibsatid.
- indhaha oo cassaada qofka .
- indhaha oo gubasho ka dareentid.
- cun-cun badan .
SHAYBAADH.
hadii aad isku aragto calaamadahaa mid kamid ah waxa muhiim ah in aad dhakhtar aadid si laguugu shaybaadho miishiinada indhaha lagu eego , indhahana oo loo ogaado xaalada dhabta ah ee xaladan sababtay.
DAAWEYN.
daaweyna waxa samayn kara oo kaliyah dhakhtarka indhaha.
KA HORTAGGA INDH INDHO QALALKA.
- Iska yaree iftiinka badan ee mobile ka tv yada iyo laanbadaha.
- hadii aad leedahay xanuunada jiitama fadlan 3 biloodba mar indhahaaga shaybaadh.
- isticmaal cunto nafaqo badan.