Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Tuunbada xididka (IV) waa tuubo yar oo balaastig ah oo gala xididka. Waxaa loo isticmaalaa in lagu siiyo dhiig, dareere ama daawo. tuunbada IV waxaa sidoo kale loo yaqaan cannula . Cirbad ayaa loo isticmaalaa in la dhex mariyo maqaarkaaga ilaa xididkaaga.
SIDEE AYUU KU BILOWDAA CAABUQU?
goobta uu kaga jiro cannula tuunbada ee maqaarka sare ayaa waxa ay ku samaysaa god yar , godkaas waxaa uu u faranyahay xididadii dhiigga qaadayey .
ilmo aragtay aad u badan oo ay ka mid tahay bacteria ayaa ku dulnool maqaarkeena , jidhkeena iyo nafaheena faaiido badan ayey u leedahay , laakiin hadii ay dhiiga gaadho waxa ay noqonaysaa mid ka faaiidaysata xaaladan kadib caabuq ayey bilaabaysaa inay sababato , sidaas ayaa ay ku imanaysaa in cannula uu sababo infection.
waxa badanaa suaashu ay ka taagantahay ilaa goorma ama wakhtigee ayey xaaladan ku dhacaysaa ,waxa ay ku dhacaysaa 2-4 maalmood hadii qofka uu ku xidhnaado.
qofka kalkaaliyaha ah ayaa ay shaqadiisa tahay marka uu qofka daawada siinayo in uu ka eego marka hore xinjir in ay taagantahay cannulla dhexdiisa , in ay hareer marayso daawadu iyo inkale.
xaaladahan hadii lagu arko qofku halis weyn ayuu ugu jiraa in uu caabuq qaado .
waxa ka dhalata in qofku uu caabuq ama infection uu ka bixi waayo oo uu kusoo noqnoqdo marwalba.
MAXAA AAD KAGA HORTAGI KARTAA?
- Gacmaha sifiican u dhaq inta aan lagugu xidhin/kuxidhin qofka cannula.
- Isticmaal jeermis dile sida alcohol ama detol si aad u yarayso ama u dishsid bakteriyada maqaarka sare ku dul nool si ayna jidhka u galin.
- Haddii qofka inbadan ay usoconayaan dawooyinka xididka laga siinayaa waa in laga warhayaa badqabka cannula haa si aanu qofka saamayn ugu yeelan .
- Hadii aad aragtid nadaafada plasterka ku xidhan cannula in uu na nadiif ahayn halis ayaad ugu jirtaa caabuq in aad qaadid ka taxadir .
- Ka fogow biyuhu in ay gaadhaan cannulla.
CALAAMADAHA LAGU GARTO IN XIDIDKU UU YAHAY MID CAABUQ GAADHAY?
- Cassaan .
- Barar xididka halka ka horaysa .
- Qaraac/kaar badan.
- Dheecaan .
WAKHTIGEE AYAA HABOON IN LAGA BEDELO QOFKA CANNULA-HA?
Waxa lagu bedalaa cannula-ha 3-4 cisho.
DAAAWEYN.
Daaweynta waxa samaynkara dhakhtar iyo kalkaaliye caafimaad fadlan hadii aad xaaladan ku aragtid qof hore u wargali si xilli hore waxlooga qaban karo.