PARONCHIA(CAABUQQA KU DHACA HAREERAHA CIDDIYAHA FARAHA).

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Paronchia waa caabu ku dhaca hareeraha maqaarka ku hareeraysan ciddiyaha lugaha iyo gacmaha .

waxa keena mid kamid ah ah bakteriyada ilmo aragtyda ah ee maqaarkeena oo loo yaqaan s.aureus iyo c.albicans.

dhinac kale marka aad ka eegtid waxa keeni kara fungus .

waxa ay ku dhacdaa laba xaaladood :-

1)xaalad kusoo booddo ah xaaladan waxa ay noqon kartaa hadii tusaale ahaan ciddidaada hareerteeda aad ka jartid diir yar ama harag yar isla markiiba waa soo yaacaya dhiig maqaarka ayaa isla markiiba ka faaiidays ta bakteriyadi kudul noolayd maqaarkeena .

kadib wakhti yar oo kooban ayey goobtaas dhaawacu soogaadhay ku muujiaysaa calaamadihii caabuqa sida cassaan , kaar iyo barar.

subaxda waxa ay noqon kartaa meel bararsan oo dheecaan uu galo .

2)xaalad jiidanta oo qofka inbadan kusoo noqnoqota.

xaaladan waa xaaladda loo yaqaan bararisada ee badanaa dadka kusoo noqnoqta .

heer waxa uu qofku uu gaadhaa in uu dhowr jeer qalniin uu galo , waxa uug wacan ee keenayaa waa backeriyada maqaarkeena ku nool .

ilmo aragtayda ugu badan ee sababta waxa weeyi candida albican iyo Pyogenic paronychia.

RAGGA IYO DUMARKA WAXA AAD UGU BADANTAHAY DUMARKA.

YAA U HALIS AH ?

  • dadka macaanka leh.
  • hadii aad xidhato kabo ku haya.
  • ciddiyaha oo aad si xun u jartid.
  • haddii aad dilaac ku aragtid ciddiyaha hareerahooda fadlan ha jarin .

XASUUSNOW.

  • Xidho kabo kaa balbalaadhan oo aan ku hayn,.
  • Ciddiyaha si isleeg u jar .
  • Haddii aad isku aragtid calaamadaha caabuqa ee kale ah cassan , barar iyo kaar , GOOR HORE GAADH GOOB CAAFIMAAD.
  • Nabarka ka ilaali biyo in aad gaadhsiiso.
  • fadlan ha farofarayn nabarka.

DAAWEYNTA.

daaweynta waxa samayn kara ama qori kara oo kaliyah dhakhtar .