Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Oof tu waa caabuq ku dhaca mid ama labada sanbab.
Waxa sababi kara bacteria,virus iyo fungus.
Ooftu waxa ay sababi kartaa in kiishashka qaabilsan hawo isku bedelka oxygen iyo qashinka hawada ah ee carbon dioxide in caabuq uu ku dhaco malax iyo dareere ay yeelato taasina ay sababi karto neef qabatow.
CALAAMADAHA XANUUNKA OOFTA.
Calaamadaha oofta waxa ay noqon karaan mid dhexdhexaad ah oo ad usii cuslayn maarayntooda ,laakiin hadii aan la daryeelin ama la daawayn keeni kara xaalado caafimaad darro oo aad u balaadhan.
Calaamadaha waxa kamid ah:-
- Qufac + xab.
- Hawo qaadashada oo yaraata.
- Lab xanuun.
- Xumad.
- Hawo qaadashada oo degdegta (xaaladan waxa inta badan lagu arkaa ubadka yar yar ee ka yar 5 sanno.)
- Mantag iyo awood yari.
- Heerka xumada oo hoos u dhacda qabow qofka lagu arkoh xaaladan waxa inta badan lagu arkaa dadka waaweyn.
IMISAA LOO QAYBIYAA OOFTA.
Oofta waxa loo qaybiyaaa saddex iyada oo loo eegaayo waxa sababaya:-
KOOWAAD.
- Oof ay ku sababtay bacteria.
- Oof uu ku sababay virus.
- Oof uu ku sababy fungus.
Saddexduba waa ilmo aragtay .
LABAAD.
Markale waxa loo qaybiyaa iyada oo loo eegayo qofku meesha uu ka qaaday:-
- Oof uu qofku ka qaaday dhakhtar.
- Oof uu qofku uu ka qaaday meel ka baxsan dhakhtar sida xaafada oo uu qof ku dhacday .
SADDEXAAD.
- Qofka oo hawo ,cunto ama cabitaan uu qaatay taas oo qofka marta hawo mareenka sidi caadiga ahaydna ahayd in ay marto hunguriga cuntada waxa inta badan ay ku dhacda dadka faaligu uu ku dhaco.
- Oof uu sababo mishiin lagu xidho dadku marka hawo qaadashadu ay ku adkaato ,mishiinkaas oo u samaynaya in uu hawo siiyo(oxygen),hawo qashin ah-na kazoo saaro(carbon –dioxide). Mishiinkan inta badan waxa uu yaala dhakhtarka ,waxa inta bandanna ooftu ku dhacda marka qofka lagaliynayo .
XANUUNKA OOFTU MA FIDI KARA?
Xanuunka oof tu uu fidi karaa ,waxa uuna ku fidi karaa HAWADA.
Qof xanuunka qaba ayaa hindhisaya ama qufacaya biyaha yare e afkiisa/sankiisa kaso baxaya waxa ku jirta jeermiskii xanuunka sababayey ,hawaduna way qaadi karta kadib waxa qaadanaya hawadii oo sida jeermiskii xanuunka sabbay qofkii caafimaadka qabay sidaasna uu ku qaadaya.
XANUUNKA OOFTA YAA HALIS UGU JIRA.
Xanuunka oofta waxa halis ugu jirta :
- Ilmuhu marka uu dhasho ilaa inta uu ka gaadhayo 65, taas oo macneheedu uuu yahay cid walba halis ayey utahay.
- Dadka faaliga qabah halis ayey utahay sababtuna ay tahay madama dhinac uu qalalay cuntadii liqid fiican ma samayn karaan ,waxa lagayaaba in uu ku saxdo kadibna hawo mareenka ay marto cuntadii.
- Dadka sigaarka cabba ,sigaarku waa aafo dhibaato weyn ku haya dhaman dad-yewga dunida dhaman ,waxyaabaha uu ka kakoobanyahay sigaarku ayaa keeni kara caabuq kadib hadii la daawayn waayo sababi kara kansar.
- Dadka xanuunada jiitama qaba sida macaanka ,dhiikarka iyo caabuqa ku dhaca kale goysyada . sababtuna ay tahay habkooga difaac oo hooseeya.
- Dadka diifaacoodu uu hooseeyo waxaa kamid ah hooyada uurka leh ,caruurta yar yar iyo dadka waaweyn saddexduba xaaladooda caafimad ma buuxdo waxa xalis ugu jiraan oofta.
SIDEE LOO BAADHAA XANUUNKA OOFT.
Xanuunka oofta waxa loo baadha saddex siyaabood:-
- In shaybaadh loo diro.
- In sawir loo diro sida feedhaha.
- In tuunbo lagu dhaadhiciyo si loo daaweeyo loona ogaado xaalada caabuq ee sanbabadu halka ay marayso.
Waxa goaamin kara dhakhtar.
SIDEE LOO DAAWEEYAA XANUUNKA OOFTA.
Xanuunka oofta waxa loo daweeya saddex siyaabod:
Saddexda siyaabood waxa ay ku xidhanyihiin saddex siyaabod ee sababay xanuunka oofta.
Inta badan oofta maadama ay keenayaa ilmo-aragtay yar yari waxa loo daaweeya saddex :-
- Hadi bacteria ay keentay iyadaa ladaaweeya(antibiotic).
- Hadii virus lasiiyo (antiviral).
- Hadii fungus uu sababy(anti fungal).
GURIGA IYO DAAWAYNTA OOFTA.
Inta badan dadkeena soomalilyeed waxa ay isticmaalaan daawo dhaqameed .
Daawo dhaqameed waxa la isku raacay in ay tahay daawo ,la isticmaali karo laakiin sabab ayaa loo yar diidanyahay maadama lagaranayn inta qofku uu ka qaadanayo daawo dhaqmeedka si uu iskugu daweeyo waxa muhiim ah in uu ka doorbido daawada xanuunada lagu daaweeyo ee daawo dhaqameedka aan ahayn.
SIDEE AYAA GURIGA LOOGU DAAWEEYA OOFTA.
- Isticmaal daawo oofta oo uu dhakhtar soo qoray.
- Qaado nasasho fiican.
- Isticmaal biyo iyo cabitaano badan.
- Ilmaha yar marka ay ku dhacdo ooftu usbuuca dhamaystiran ee daawadu u socoto yaanu tagi goobta waxbarasho.
- isticmaal malab iyo milix(cusbo)xaaladaha uu qufacu uu batoh .
CAWAAQIB XUMADA AY KEENTO OOF-TU.
- In ilmo-aragtay ay raacaan dhiigga.
- Dheecaan ama xab uu fadhiisto sanbabada.
- Xaalad degdeg ah oo nafqabatow .
- In biyo ay galaan sanbabada.
- Ugu danbayn hadii sifiican loo daawayn waayo waxa ay keeni kartaa dhimasho.
MAXAA LAGAGA HORTAGI KARAAH OOF-TA.
Waxa lagaga hortagi karah habka difaac oo qafwalba uu ilaliyo cunto dheeli tiran iyo habka uu u nool yahay cunto ahaan iyo naf ahaanba .
Xanuunka oofta waxa la qaataa talaal.