Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Ferroglobin waa nafaqo dhamaystiran oo sharoobo ah , waxa aad ugu badan maadada iron ,fiitamiino iyo nafaqooyin badan oo jidhkeena aad u taageera sida dhiig kordhinta iyo difaaca jidhka.
IRON-ta ku jirta waxa ay jidhka u qabataa in ay ka caawiso samaysanka maadada hemoglobin oo ah maado aad ugu muhiim ah unugyada cas-cas ee dhiiga kuwaas oo shaqooda ugu badan ay tahay in ay inoo sahlaan hawo kale gadiska iyo in ay inoo qaadaan nafaqooyinka dhex qulqulaya dhiigga.
Xilliga la qaataa waa cuntada kadib ,inta aad qaadanaysidna waxa gooaaminaya dawo-yaqaan ama dhakhtarka.
Wakhtiga aad qaadanaysid daawada ferroglobin ama wakhtiga ugu haboon ee aad loo galiyo jidhka waa xilliga calooshu ay madhantahay , laakiin dhakhaatiirta caafimaadka iyo dawo-yaqaanadu waxa ay aad uga digaan in la qaato caloosha oo madhan sababta ugu weyna ay tahay in ay keeni karto dhaawac caloosha ah .
Iron ta iyo vitamin b12 ka ku jirra daawadan waxa ay hoos u dhigtaa daalka badan iyo muruq xanuunka , hurdo badan ma laha .
GOORMAAD QAADAN KARTAA FERROGLOBIN.?
- Qofka macaanka qaba .
- Hooyada uurka leh.
- Haddii aad leedahay xanuunada jiitama sida dhiikarka beer subagga iyo beer xanuunka.
- Qofka weyn .
QOFKU INTEE IN LEEG AYUU QAADAN KARAA DAAWADAN ?
DADKA WAAWEYN.
-Hal fur subax iyo habeen .
CARUURTA YAR YAR(1–2YEARS).
-1/2 subax iyo habeen .
CARUURTA DHEXE(3–12).
1 fur subax iyo habeen.