Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Cashada habeenkii marka aad qaadatid , haddii aad ku seexatid waxa aad laabtaada badhtankeeda ka dareemaysaa xanuun aad mooddo sida dhinbiil dab ah .
Kaarkaas oo aad dareemaysid 5 minute ba mar waxa uu noqon karaa mid iskii iskaga baaba’a ama mid xaalad xun oo aad u daran aad dareentid oo kale go lahayn.
Laab-dillaacu waa mid ka mid ah calaamadaha awoodda badan xanuunka loo yaqaan oesophageal reflex disease.
Xanuunkan waxa uu ku dhacaa albaabka yar ee u kale dhexeeya hunguriga iyo caloosha , kaas oo furma marka ay cuntada la cunayo , waxa uu xidhmaa inta caloosha uu dheefshiidku uu ka dhex dhacayo taas oo loo diidan yahay in cuntadaasi ay dib usoo noqoto iyo inkale.
albaabkaas(sphinectar) ayaa waxa ku dhaca in uu is xidhi waayo oo uu marwalba uu furnaado, taas waxa ay keenaysaa in cuntadi marwalba oo qofku uu jiifsadaba cuntadii ay hunguriga timaad , xasuusnow cuntadaas waxa ku jirta aysiid(acid) oo burburisa jeermiska iyo ilmo aragtayda si ayna ilmo aragtaytaas ayna wax inoo yeelin , aysiidhaas waxa iska xajin kara oo kaliyaata waa caloosha .
aysiidhi iyo cuntadii marka ay hunguriga soo gaadhaan laabjeex saaid ah ayaa timaada taasa keenaysa in kaar saaid ah aad laabta ka dareentid.
Laab-xanuun saaid ah oo aad gadareentid laabta ,waxa sababaya dhiig ku filan oo aan gaadhayn wadnaha , daal aad dareemaysid marka aad socotid , cidhiidhi badan oo laabta ah iyo cadaadis badan oo wadnaha waa calaamado wadnaha ah .
calaamadaha wadnaha iyo laab jeexu waa calaamado aad iskugu dhow .
hadii aad leedahay laabjeex saaid ah oo ka badan2 weeks waxa muhiim ah in aad dhakhtarkaaga la xidhiidhid .
LAAB-JEEXA IYO CALAAMADIHIISA.
- Laab jeex ama laab olol saaid ah.
- Garbo xanuun saaid ah .
- Dareen ah in aay cuntadu dib usoo noqonayso.
CALAAMADAHA WADNE QABATOWGA.
- Kaar ku hareeraysan laabta iyo garbaha.
- Naqaska oo qofka qabta.
- Qabow lugaha iyo gacmaha ah .
- Qaraaca wadnaha oo aad u sareeya.
- Kaar aad udarran oo laabta ah .