HABEENKII WAXA AAN DAREEMAA LUGAHA OO AAD II KAARAYA/QARAACAYA SIDII XIDID OO KALE ,MAXAA SABABA?

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Xanuunnada lugaha ee habeenkii ma aha oo kaliya xanuun, laakiin waxay sidoo kale kaa celinayaan ama ka hortagayaa inaad hurdo fiican seexato, taas oo muhiim u ah caafimaadkaaga.

Biyo cabistaa oo yaraata iyo dhiigga lugaha imanaya oo yaraada waa sababaha ugu badan ee keena in lugaha habeenkii kaar aad u badan aad ka dareentid.

Waxa ay ku badantahay dadka da’ ahaan u dhaxeeya 35 —–80 sanno , dhalinta yar yar waxa uu u qabtaa sida xidid oo kale .

Xaaladdan waa xaalad darro maxaa aad kaga hortagi kartaa?

  • KOR UQAAD MAGNESIUM-TAADA.

SHaqada ugu badan ee magnesium inoo qabato waxa weeyi in muruqyadeenu ay ahaadan qaar sifiican u shaqeeyaa wada shaqeeyaan dareen wadka jidhkeena .

300 fal dadajiye ah oo jidhkeena ah ayaa ay ka qaybqaadataa awood siin iyo inay sifiican u shaqeeyaan .

waxa ay ka qayb qaadataa in hoos udhacdo halista macaanka kiisa labaad sababtoo ah waxa ay hoos u dhigtaa sonkorta.

lafaha iyo ilkaha awood siin awood badan ayey siisaa ,taas oo keenaysa in muruqyada dul yaal lafaheenu anay wax caabuq ah aanu ku dhicin.

Dadka wadne xanuunka leh waxa badanaa xanuunada wadnuhu ay kaga dhacaan muruqyada wadnaha ,dhakhaatiirta ku takhasuusay wadnaha waxa ay marwalba doorbidayaan in la dardar galiyo in bukaanada loo qoro magnesium oo kiniin ah.

Dadka aadka uga cabanaya xanuunka dhanjafka waxa aad muhiim ay utahay in ay isticmaalaan daawada magnesium si cadadiska saaran xididada dhiiga madaxa siiya uu u yaraado.

cuntooyinka laga helo waxa ka mid ah:-

  • digirta.
  • faasuuliyaha .
  • kalluun.
  • muuska
  • caano fadhiga.
  • KOR U QAAD FIITAMIIN D.

Hadii aad tahay qof xaaladiisa caafimaad iyo vitamins ka uu qaato ka warhaya hadana wali dareemaya lugo xanuunka saaidka waxa aad ka fikirtaa heerka uu gaadhsiisanyahay vitamin-D ga aad qaadatid .

Vitamin-d waxa uu ka qayb qaataa in la nuugo ama jidhka la galiyo macdanta calcium(kalshiyaam).

CUNTOOYINKA LAGA HELO VITAMIN-D.

  • Beedka.
  • Beerka.
  • Saliidda kalluunka.

  • JIMICSI SAMEE.

Jimcisigu waa caafimaadka jidhka ee qofka ,hadii uu xidid qof qabto waxa muhiim ah inta uu kaco inuu jimicsi sameeyo waxa ay ka hortagysaa in uu xididka iyo kaarkuba ay ka yaraadaan sidaasna qofku uu ku caafimaado.

  • biyo badan cab.

Biyo cabistu waxa ay isku dheeli tirtaa macdanaha jidhka , qofka biyo cabista badan waxa ka yaraada dhamaan dareenwadaha xanuunka , badanaa qofka biyo cabista badan ma yeesho kaar sida madax xanuunka iyo lugo xanuunka.

dhamaan biyaha waxa lga helaa macdanaha sida calcium .sodium , magnesium iyo sulphur ,dhammaan jidhkeena faaiido badan ayaa ay u leeyihiin.

CUNTOOYINKAN WAXA AY YAREEYAAN LUGO XANUUNKA.

  • Tufaaxa.
  • Caano-fadhiga .
  • Milixda badda .
  • Afakaadada.
  • Tamaandhada.