Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Joogtee ugu yaraan masaafad 1 mitir ah oo u dhexeysa naftaada iyo dadka kale si loo yareeyo halista cudurka marka aad qufacdo, hindhiso ama hadasho. Joogso masaafo ka sii fog inta u dhexeysa naftaada iyo dadka kale .
Kale fogaanshaha, ayaa ah habka lagaga hortagi karo xanuunka covid19.
Mask ama afsaar waa in aad xidhato marwlba oo aad ka baxaysid gurigaaga ,inta aad saarantahay gaadiidka ,masaajidada aad joogtid iyo goobaha dadku iskugu imaadaan marnaba afkaaga haka saarin afsaar.
SIDEE AYAAD U ISTICMAALAYSAA MASK AMA AFSAAR?
- Gacmahaaga dhaq inta aanad afsaarka isticmaalin .
- Hubi in afsaarku uu dhammaan uu daboolay afkaaga ,sankaaga iyo gadhkaaga.
- Sida aad ku ilaalin kartid afsaarka ,ku rid kiish yar oo aan kululyn maydh hadii uu yahay kii la isticmaalayay 2–8 maalmood , hadii kale oo uu yahay ka loo yaqaan surgical mask waxa aad isticmaali kartaa hal waqti .
HA ISTICMAALIN AFSAARKA DALOOLKA LEH .
ISTICMAAL AFSAARKAN .
SIDEE DEEGAANKAAGA UGA DHIGI KARTAA MID KA BAD-QABA XANUUNKA COVID-19.
1.Ka fogow 3Cs: meelaha bannaan ee xiran, camiran oo dad badan joogaan ama goobaha waxka ibsanaysid.
2.Goobaha cuntooyinka lagu cunteeyo sida hotelada ,goobaha lagu caweeyo , goobaha dadku ay iskugu imaadaan iyo goobaha lagu cibaadaysto , waa goobaaha ilaa hadda aadka looga qaylinayo ee xanuunku uu ku sii faafayo.
iska jir goobahaas in aad aadid.
3.Ha booqan qof xanuusan oo uu hayo xanuunada ku dhaca hawo mareenka halis badan ayaa laga soo sheegayaa.
4.Albaabka ama afaafka guriga dhig biyo iyo saabuun si qof walba marka uu soo galayo guriga uu u isticmaalo.
5.Dadka soo booqanaya guriga ama asxaabta ah fadlan kula hadal dibadda guriga idinka oo aan is gacan qaadayn kale fogaanayana .
6.Hawo ku filan guriga iyo goobaha lagu imanayo waa inuu helaa qolka/maqsinka guriga.
HA ILAAWIN NADAAFADDA IN AAD JOOGTAYSID SIDAN RAAC:-
- SI joogto ah u dhaq gacmaahaga adiga oo raacaya tilmaamahan
KA FOGOW IN AAD TAABATID AFKAAGA ,SANKAAGA , WAJIGAAGA IYO INDHAHAAGA.
MARKA AAD QUFACAYSID AMA AAD HINDHISAYSID GACANTAA LAAB SUXULKAAGA KU LAAB .
ISTICMAAL DULLIN JEERMIS DILE SIDA SANITAZOR SI NADAAFADDU U FIICNAATO .
Xilliyada ay muhiim ay tahay waxa ka mid ah marka aad furtid albaab, isticmaalka telefonkaaga iyo meelaha ay dadku wada taabanayaan.