NEEF QABATOW.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Hawo qaadashadu waa in hawada oxygen la qaato carbon dioxide-na la qashin saaro.

Qofka neefsashadu dhib ku tahay wuxuu dareemayaa neefsasho gaaban, dhibaato ayaa ka haysata neefsashada ama wuxuu dareemayaa sidii inuusan heli karin oksijiin ku filan. Badanaa, dadku waxay la kulmaan dhibaato neefsashada ka dib jimicsi ama markay dareemaan walaac.

Xaaladaha qaarkood, neefsashada oo dhib ah waxay calaamad u noqon kartaa xaalad caafimaad.

qodobkaan, waxaan eegeynaa sababaha suurtagalka ah ee dadka la soo gudboonaan kara neefsashada. Waxaan sidoo kale dabooleynaa ogaanshaha, daaweynta, iyo ka hortagga astaamahan neefqabatowga.

waxa kamid ah xaaladaha sababa neef qabatowga.

DURAYGA.

Dadka qaba hargab caadi ah ama hargab ayaa laga yaabaa inay ku adkaato neefsashada.

Cudurradan ayaa sababa astaamaha soo socda, kuwaasoo neefsashada ka dhigi kara kuwo dhib ah:

-sanka oo cufan.

– cuna xanuun.

– hawo mareeno bararsan.

-xabka xad-dhaafka ah ee marinnada hawada Markuu hargab, ama infekshinka xabadka uu sabab u yahay dhibaatooyinka neefsashada, astaamaha waa inay kala baxaan marka jirradu jirto.

CABSIDA.

cabsidu marka ay jirto ee qofka wax aan jirin usawirmaan , ama ay jiraan waxyaabo uu ka cabsado oo udhow waxa uu dareemaa qaraaca wadnuhu inuu aad u sareeyo kadib kadib hawo qaadaashadu ku adkaato .

qofka xaaladdan ku jira waaloo wehel yeelaa kadib waala dajiyaa xaladiisa jimicsiga hawo mareenka ayaa loosameeyaa .

XIIQDA.

Xiiqdu waa mid kamid ah xanuunada jiitama ee qofka aanu ka bogsan karin, xaaladaha ugu badan ee ay ku timaado waxa ka mid ah in ay yaryaraadan dhuumaha hawadu ay maraysaa oo dhuudhuubnaada .

Haddi uu qofku uu sifiican u qaadan waayo daawada xiiqda ama oxygen degdega ah uu waayo hawo qaadashado aadbay ugu adkaanaysaa.

HAWO-MAREENKA OO WAX AY XIDHAAN.

Haddii uu xidhmo tuunbada hawada gaysa ,ha xidhaan cunto , xaako iyo dhiig marmarka qaar waxa xidhi kara waxyaabaha afka la iskaga ahaysto sida furka qalinka iyo nacnaca.

way adkaanaysaa qofkaas in uu hawo uu qaato.

XANUUNADA KALE DUWAN EE KU DHACA HAWO MAREENKA WAXA AY KEENAAN HAWO QAADASHADA OO ADKAATA.

XANUUNKA COVID19 IYO HAWO-QAADASHADA.

Xanuunka covid19 waa mid ka mid ah xanuunada lagu kale qaado hawo mareenka , hadii uu ku dhaco qof qofkaasina hawada ku qufaco waxa sifudud u qaadi kara qof aan xanuunka qabin oo qaadanaya hawada oo fayrusku uu ku dhexjiro.

aad iyo aad ayaa uu u saameeya hawo mareenka xanuunkan calaamadahan ayaa lagu kartaa xanuunka covid 19.

xummad.

quffac qalala.

tabcaan.

cunno xanuun.

-caloosha oo socota.

hawo qaadashada oo ku adag .

XAALADDA UGU DARAN XANUUNKA COVID19 WAA HADII HAWO QAADASHADU AY ADKAATO.

INTA AANAD DHAKHTAR TAGIN SIDEED U QAADAN KARTAA HAWO KUGU FILAN HADDI NEEF QABATOW UU KUGU DHACO .

TALLAABOOYINKAN RAAC .