Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Xanuunka gastric-gu waa xanuun aad u halis badan sidoo kale dadkeena iyo soomaalidaba ku badan.
Xanuunkan waxa lagu tiriyaa mid kamid ah caabuqyada caloosha ku dhaca.
Xanuunka gastric gu waxa uu noqon karaa mid kusoo bodo ah ama cusub iyo mid soo jiitamayey muddo.
Xanuunka gastric waa xanuun laga bogsan karo hadii daawada iyo cuntadaba la ilaaliyo ,dadka xanuunkan qaba waxa lagu tilmaama in ay yihiin dad hab noolaanshiyahooda noloshu wax ka khaldan yihiin sida cuntada oo kale.
Cuntada aad isticmaalaysid waxa ku xidhan caafimaadka dheefshiidka iyo caafimaadka jidh ahaan.
Cuntada aad isticmaasho ayuunb xaaladaada caafimaad marna hagaajinaysa marna hoos udhigaysa .
CUNTOOYINKEE AYAA LOO BAHANYAHAY IN AY ISTICMAALAN DADKA XANUUNKAN QABA.
Cuntooyinka ay isticmaalayan dadka xanuunka gastric ga qaba waxa ay noqonayan sida tan.
- Cuntooyinka galka leh sida (gallayda,garowga,harakooga iyo heedda).
- Cuntooyinka subaga yar sida(kalluunka&digaaga).
- Cuntooyinka acid ama gastric ga kicinayn sida(caanaha ,khudaarta )
- Biyaha .
- Ciirta fadhida .
- Subagga dhuuxa geela .
CUNTOOYINKA LAGA FOGAADO HADII AAD QABTID XANUUNKA GASTRIC-GA.
Micnaha guud ee ay xanbaarsan yihiin cuntooyinkan aan loo ogolayn dadka qaba xanuunka gastric waxa weeyi cuntooyinka ku kicinaya heerka acid-ka .
Cawaaqib xumo aad iyo aad ah ayey keeni karaan hadii qofku uu caadaysto cuntooyinkan isaga oo xanuunka qaba.
Cuntooyinka waxa ka mid ah :-
- Sharaabada juice ah .
- Cuntooyinka subaggu uu ku badanyahay.
- Milixda badan.
- Bariiska .
- Baastada.
- Cuntooyinka lagu daro colour- rada.
- Boorashka.
- Sharaab ka kale duwan ee soodhaha leh.
- Muuska .
TALO GUUD .
Xanuunka gastric waa xanuun cawaqib xumadiisa ku danbayn kara xanuunka cancer ka ,xanuunka waxa keena bacteri loo yaqaan H.PYLORI.
Daawooyinka la isticmaalo xanuunkan waxa la isticmaali karaa hal usbuuc ,kadib markaa usbuuca aad dhamaysatid ku noqo dhakhtarkii si mar labaad lagaaga eego in aad ka bogsatay iyo inkale .
Dadkeenu daawada gastric waxa ay isticmaalan noloshooda taasina waa mid caafimaadka aan u fiicnayn .
Daawada gastric waxa loo isticmaala caabuqa ku dhaca caloosha hadii aad usii isticmashid daawadan loogu talo galay in bacteria yada lagu dilo ,bacteria yadu waa ay la qabsanaysa waxa ay kasamaysanaysa hub ay daawada iskaga difaaci karto taasina waxa ay keeni kartaa in dhibaato hor leh usii gaysato caloosha.
Caabuqii caloosha ka jirayna uu isku bedelo kansar ka caloosha ku dhaca.
MAXAA KULA GUDBOON HADAAD XANUUNKA GASTRIC AAD QABTID.
- Cuntooyinka aan laguu ogolayn jooji isticmaalkooda.
- Daawada gastric ga marka aad dhamaysatid u tag dhakhtartka .
- Daawada sifiican u dhamayso.
- Iska ilaali cuntooyinka cas cas ee kugu kicinaya xanuunka.
- Hurdo kugu filan seexo.
- Marka aad seexanaysid birkin ku seexo.
- Calooshaada ka ilaali gaajada .
- Biyo nadiif ah isticmaal.
- Café ha isticmaalin.
- Cunto isku dheeli tiran waa ku muhiim.
- Hadii aad isku aragt astaamo xanuunka si degdeg ah ugu tag dhakhtarka.
- Hadii aad mantag yeelatid ha ilaabin in ay xaaladu si cuslatay si degdeg ah u aad goob caafimaad.
- Xanuunkan waxa uu ubahanyahay inaad control sho why o goritaanka iyo habsami usocodka hormones ka jidhka isbedel yaa ku iman kara.
Suaal hadaad qabtid hoos noogu reeb .
Ku xidhnow www.caafimaadka.net