Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Sanadadii ugu danbaysay waxa sii kordhaya tirada dadka sonkorowga qaba, labada xaaladood ee sida baahsan usii kordhinaya waa mid waalidka laga dhaxlo iyo mid ay sababaan qodobo qofku isagu iskii caado uga dhigto kadibna hoos udhac baaxad weyn u gaysata habsami u socodka shaqada ganaca.
Hadii waalidkeen uu leeyahay xanuunka macaanka waxa muhiim ah in aynu la socono kana hortagno halista uu leeyahay xanuunka inaga oo raaci doonna qodobada hoos ku xusan .
SIDEE AYAAD KU OGAAN KARTAA INaynAAD HALIS UGU JIRTO XANUUNKA MACAANKA AMA SE INAAD QABTID IYO INKALE?
Ogaanshiyaha xanuunka macaanku waa mid badanaa ayna dadku u baraarugsanayn , oo badanaa kusoo boodo ah .
Si aad u ogaato in aad halis ugu jirto xanuunka macaanka waxa lasameeyaa ilaa saddex tallaabo .
1)HALISTA AAD UGU JIRTO MACAANKA ADIGA OO ISKA EEGAYAA AMA KA SHAQAYNAYA SUAALAHA WEBSITE KAN UU KUWAYDIIN DOONO .
Jawaabta uu kusiin doono ha ku qancin ugudub baadhitaanada kale .
2)MIISAANKAAGA IYO DHERERKAAGA FIIRI INAY KU JIRAAN XAALADDA BADQABKA CAAFIMAADKA JIDHKA.
Xaaladda badqabka jidhkaa waxa la yidhaahda waa marka miisaankaagu aanu ka badan 75kg ,dhererkaaguna 1.75cm.
si aad u ogaato bedqabka miisaanka jidhkaaga in uu yahay miisaankii loo baahnaa ee caaafimad qabka iyo inkale waxa aad ISKU QAYBISAA MIISAANKAAGA /DHERERKAAGA OO LABA JEER LA ISKU DHUFTAY tusaale:-
BMI:WEIGHT/HEIGHT*HEIGHT=
BMI=84/1.75*1.75=28 .
HADDII MIISAANKAAGU UU KA BATO AMA TIRADAA MARKA AAD ISKU QAYBISO HADII UU KA BATO 24 WAXAAD KU JIRTAA XAALADDA LOO YAQAAN BUURNI .
3.CABBIRKA LOOYAQAAN HEMOGLOBIN A 1C .
Cabbirkan hemoglobin a 1c waxa uu inoo sheega heerka sonkorta ee dhiigga ku jirta , shaybaadhkan waa shaybaadhka lagu xaqiijiyo qofku in uu sonkorow/macaan uu leeyahay ama lagu ogaado in uu qofkan macaanka qabaa uu yahay macaankiisu mid xadidan .
shaybaadh ayaa lagu sameeyaa , hadii aad halis ugu jirto macaan jawaabta soo baxaysaa waxa ay ka badan doonta tirada 5 oo ah (haddii ay ka yartahay tirada soo baxdaa 5 in uuna sonkorow lahayn qofkaasi , hadii ay soo baxdo tiro ka badan 5 waxa uu qofku halis uu ugu jiraa ama uu qabaa sonkorow ama macaan ,
saddexdaas si waxad ku xaqijin kartaa heerka sonkorow ama macaan aad ugu jirtid .
CALAAMADAHA KA AAD ISKU ARKI KARTID HADII AAD HALIS UGU JIRTO SONKOROW WAXA KA MID AH?
- Harraad badan .
- Aragtida oo hoos udhacda.
- Dawakhaad badan .
- Madax xanuun .
- Daal .
- Hurdo yaraan .
CUNTOOYINKA MUHIIM KA AH EE YARAYNKARA HALISTA MACAAN AAD KU QAADI KARTID.
- Digirta.
- Gallayda.
- Qamadida.
- Caano loaad.
- Harakoo.
- Faasuuliye.
- Garowga.
KA FOGOW CUNTOOYINKA.
- SHaraabooyinka soodhaha leh .
- Hilibka la warshadeeyey ee qasacadysan kalluun iyo hilibka cas kuudoono ha ahaado.
- Bariiska badan .
- Daqiiqda .
- Sonkorta badan.
JIMICSIGU WAAKA UGU MUHIIMSAN EE LAGAGA HORTAGI KARO FADLAN JIMICSO.