Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Warbixino caafimaad ayaa lagu so bandhigay in in fiitamin d-gu aad u horumariyo caafimaadka naaska ,kana hortago in kansar uu ku dhaco.
Marwalba oo ay soo booqdaan dumarku dhakhtarada ,dhakhaatiirtu waxa ay uqoraan fiitamin -d maadama uu aad u caawinayo xaaladaha caafimaad ee gabadha sidoo kale dumarka dhaafay da’dii dhasha ayaa ay daraasaduhu sheegayaan in ay muhiim aad ah u uleeyahay xaaladooda caafimaad .
SIDEE AYUU VITAMIN-D UU U YAREEYAA KANSARKA KU DHACA NAASKA?
Waxa uu hoos udhigaa unugyada khalkhalku uu kudhacay ee koritaanka saaidka ah samaynaya ,waxa uu siiyaa adkaanshiyo awood ay isku hays-haystaan ,awoodaas oo diidaysa in unugyadaas caabuqqa kansarku soo gaadho.
SOOMAALIDU MA HESHAA FIITAMIN-D KU HABOON?
Heerka nafaqo ee somalidu waa mid aad usarreeya ,marka loo eegayo dadka ku nool magaalooyinka 80% waa mid heerka nafaqo aad u sarreeyo.
Marka laga yimaado fiitamin d-ga cuntooyinka laga helo ,hadana dadka magaaloyinka kunool waxa ay helaan kaabe fiitamin-d ah kaaso oo laga siiyo goobaha caafimaadka.
Dadka kunool tuulooyinka iyo dhulalka fog ee miyigu waa dad nafaqadoodu meel dhexe ku salaysantahay iyada oo loo aanaynayo heerka nafaqo ee ay helaan .
Waxa ay kusalaysan yihiin heerkooda nafaqo caanaha xoolaha ,hilibka iyo beerashada khudaarta .
Heerka nafaqada dadka miyiga ama baadiyaha kunool maaha mid joogto ah waxa ay ku salaysantahay wakhtiga barwaaaqada.
Waxa lagu sheegaa heerka nafaqo ee ay helaan dadkaasi illaa 50% ,waxa soo gaadhsiiya heerkan ,xilliga abaartu marka ay dhacdo in ay haayadaha cuntooyinka iyo nafaqadu gaadhsiiyaan buskuddo fiitamino badan ku jiraan .
Dadka miyiga kunool ma helaan taageero fiitamin d-ah oo goobohooda caafimaad looguma diyariyo .
Fiitamin d-gu waxa uu ka mid yahay fiitamiinada ka dhiman dadkaas waanan sababta ,xanuuno badan oo fiitamankan markuu yaraado imaada ay ku dhacaan dadkan .
DADKA AADKA UGU BAAHAN FIITAMIN-D GA.
- Dumarka dhalmada joojiya.
- Ragga iyo dumarka qaata dawooyinka caabuqa la dagaalama.
- Dadka waaweyn.
- Hooyada naasnuujinaysa ilmaha.
- Dadka xanuunada kelyaha leh.
- Dadka miisaankoodu aadka u sarreeyo.