XANUUNKA AMEBIASIS-KA .

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Xanuunka ameba waa caabuq ka mid ah caabuqyada ku dhaca mindhicirada waaweyn ee hab-mareenka cuntada.

Xanuunkan waxa uu aad ugu badan yahay caruurta maadaama ay badanaa afkooda waxyaabo aan nadiif ahayn ay isticmaalayaan.

sida cunto aan nadiif ahayn ,biyo aan nadiif ahayn ,dhagaxan ,ciid iyo waxyaabo badan oo caruurtu ku ciyaarto .

Waxa ay sahli karaan waxybaaha ilmuhu ku ciyaarayo inta uu banaanka ku ciyaarayo in uu si fudud u qaadi karo xanuunkan .

Xanuunkan waxa uu ku dhacaa dadka ,bisadaha iyo ayda.

Bisadda iyo aygu waa laba ka mid ah xayawaanada dabjoogta ah  badanaa waxa ay ku nool yihiin guryaheena ama goobo inoo dhow.

Bisadda iyo aygu sifudud waxa ay keeni karaan in xanuunku uu sii fido.

Sanadkii xanuunkan waxa uu dilaa 55000 oo qof.

Dadka waa weyn hadii uu qof qoyska  ku jiraa uu qabo xanuunkan si fudud ayuu u qaadsiin karaa dhammaan qoyska.

SIDEE AYUU U FIDAA XANUUNKU?

Xanuunkan ay keento ameba waxa uu ku gudbaa :-

  • Qofka cuna cunto wasakhaysan ama biyo wasakahysan.
  • Haddii qoyska qof uu qabo ,gacmihiisa sifudud ayaa looga heli karaa ,haddii qoyska suuli la isticmaalayana sifudud ayuu u qaadsiin karaa.
  • Marmarka qaar hawada waala iskugu gudbin karaa.

Dadka goob kuwada nool badanaa sifudud ayey isku qaadsiiyaan.

CALAAMADAHA XANUUNKA.

  • Shuban ,
  • Calool xanuun/cassiraad.
  • Dibiro.
  • Hawo badan .
  • Hawo xago danbe oo aad u badan .
  • Guus iyo hawo mindhicarada ah.
  • Mantag.
  • Cun-cun dabada ah.
  • Cuntada oo qadashadeedu xumaato.
  • Caruurta yar yar waxa lagu garan karaa dabada oo ay kor utaagaan iyo cun cun badan oo dabada ah.

Cunto oo aanu sifiican qofku aanu u qaadan waxa keenaya hawada badan iyo dibiradda caloosha kaga jirta.

YAA HALIS UGU JIRA XANUUNKA ?

  • Dadka nafaqa doodu hoosayso.
  • Dadka qaba xanuunada jiitama.
  • Caruurta yar yar.
  • Dadka qaata daawooyinka caabuqa lagu yareeyo sida dexamethasone ,loratadine iyo antibiotics ku kale duwan.

DADKA XANUUNKAN UU KU DHACO DHIBAATOOYIN MAKA DHAXLI KARAAN HADDII AANAY ISKA DAAWEYN?

Badanaa xanuunkan waa xanuun dadkeenu ay dhayal sadaan , oo qofku todobaadka ugu horeeya marka uu qaato daawada wixii intaa ka danbeeya waxa dhici karta in la tacaalo ,taasna waata dhalin karta saamayn.

  • Dhiig baxa gudaha uurku jirta inta macdanta ah.
  • Beerka oo dheecan galo.

DAAWOOYINKA MUHIIM-KA AH .

  • Flagyl 500kg oo qofku uu qaadanayo subax iyo habeen (latasho dhakhtar).
  • Mebendazole 400mg.500mg  isbuuci hal mar (la tasho dhakhtarkaaga.

Daawooyinkan inta aanad qaadan ama aanad ilmaha siin fadlan dhakhtar la xidhiidh .

Ilmahaaga daawadan ha siin, dhakhtar la’aan.

SHAYBAADHKU(SAXARADA) WAA MUHIIM .

SIDEED UGA FOGAAN KARTID XANUUNKA AMEBIASIS?

  • Hadii aad ogtahay qof xaafadda qaba xanuunkan fadlan daawda hala wada qaato .
  • Biyaha aad isticmaalaysid karkari hadii xanuunkan degaanka uu ka jiro ama qof xanuunsan uu guriga joogo.
  • Nadaafadda joogtee .
  • Musqushu waa halka xanuunkan lagu kale qaadayo aad u dhaq.
  • Qof walba oo musqusha booqdaa waa in uu saabuun iyo biyo ku falo xasho ka hor iyo kadib.
  • Qofka cuntada karinaya waa in uu nadaafadda gacmihiisa aad uga war hayo oo uu sii dhaqo ka hor iyo kadib.
  • Cuntooyinka sida khudaarta aad u dhaq.