5 QODOB OO KOR UQAADAYA HABKA DIFAACA JIDHKA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Hannaankan oo aad u ballaaran, wuxuu ka sameysan yahay unugyo haragga, dhiigga, dhuuxa lafaha, xuubabka, iyo qeybaha kale ee jirka.

Marka hannaankaas uu u shaqeynayo sidii loo baahnaa, wuxuu ka hortagayaa halis kasta oo ku soo weerarta, wuxuuna xakameynayaa dhibaatada ka dhalan karta weerarradaas, sida laga soo xigtay Hay’adda Caafimaadka ee NIH.

Haddaba, si jirkaaga uu isu difaaco, waxaad u baahan tahay in qeyb kasta oo ka mid ah hannaankaas uu u shaqeeyo sida saxda ah ee loo baahan yahay.

Qaabka ugu wanaagsan waa in aad wax ka bedesho dhaqamadaada dhanka nolosha iyo cuntooyiinkaaga. Waa kuwan lix ka mid ah:

1.Walwalka badan iska yaree oo si wanaagsan u xakamee  

Sida lagu sheegay Cilmi-baaris la daabacay bishii October, 2015, oo la xiriirtay dhanka Cilmu-nafsiga, waxaa lagu ogaday in walwalka badan ee aan kala joogsiga lahayn, in uu keenayo in hoormoonnada difaaca jirka ay daciifayaan.

Jirka wuxuu ku tiirsan yahay hoormoonnada, xilliyada ay maskaxda walwalsan tahay. Hoormoonka loo garanayo Cortisol, waxay faa’iido badan u leeyihiin difaaca dhabta ah ee jirka ka hor inta walwalka aadka u xun uusan dhammaanin.

Balse marka heerka hoormoonnada difaaca ay  aad u sarreeyaan, waxay taas sababi kartaa in hannaanka difaaca jirka ay ka hor istaagto in uu shaqadiisa qabsado oo uu ka hortago weerarada dhici kara ee jeermiska iyo xanuunada kale.

2.Hurdo wanaagsan oo kugu filan.

Jirka wuu nasanayaa, awood dheeraad ahna wuu helayaa inta aad hurdeyso. In aad si fiican u hurudo waxay haddaba xoojineysaa hannaanka difaaca iyo sida uu halista uga jawaabayo.

Si gaar ah, hurdada waa xilliga uu jirka soo saaro unugyada difaaca ee ugu muhiimsan sida Cytokines, (oo ah nooc nafaqo ah oo la dagaallama am aka hortaga xanuunada qaar).

Waxaa kale oo xilliga hurdada sameysma unugyada caafimaadka ah, sida T-Cells iyo Interleukin-12, sida lagu sheegay Cilmi-baaris laga sameeyay Qaaradda yurub.

3.Jimicsi joogto ah samee

Jimicsiga joogtada ah wuxuu yareynayaa halista ah in xanuun uu jirka ku dhex sameysmo, sida cayilka saa’idka ah, xanuunka macaanka, iyo wadna-xanuunka.

Wuxuu sidoo kale yareynayaa halista fayrasyada iyo caabuqyada, sida lagu sheegay baaritaan la sameeyay 2018-kii oo lagu daabacay bogga Frontiers in Immunology.

Jimicsiga wuxuu sidoo kale kordhiyaa hoormoonnada loo garanayo endorphins, (waa koox hoormoonno ah oo yareeya xanuunka, kordhiyana dareenka farxadeed), waana qaabka wanaagsan ee xakameynta walwalka.

4.Balwad ha yeelanin (Sida sigaarka)

Sigaarka iyo balwadaha kale, waxay saameyn ku yeelanayaan hannaanka difaaca jirka. Waxkasta oo maadooyiin sun ah leh, waxay dhaawacaan jirka iyo sida uu isu difaacayo.

Kiimikooyiinka ka soo baxa waxyaabaha maandooriyeyaasha ah iyo sigaarka – sida carbon monoxide, nicotine, nitrogen oxides, iyo cadmium — waxay dhaawacayaan korriimada iyo shaqada unugyada difaaca jirka sida cytokines, T-cells, iyo B-cells, sida laga soo xigtay baaritaan la sameeyay 2016-kii oo lagu daabacay Oncotarget.

5.Xakamee xanuunada daba-dheeraada ee aan dawada lahayn

Xanuunada iska joogtada ah sida Nefta, Wadne-Xanuunka, Sokorowga, iyo kuwa la midka ah, waxay saameyn karaa hanaanka difaaca, waxayna badinayaa halista caabuqyada.

Tusaale, dadka qaba xanuunka Macaanka, si sax ah uma maareyn karaan heerka sokorta dhiiggooda, taas waxay sababi kartaa xanuun. Sidaa darteed hoos u dhaca jawaabta waxay daciifineysaa hannaanka difaaca.

Haddii aad si wanaagsan u maareyso xanuunnada noocan ah, waxaad fursad u heleysaa in jirkaaga uu iska difaaco caabuqyo badan oo si fudud ku soo gali lahaa.

Haddaba, hubi in dawooyiinka aad si sax ah u qaadato, dhakhtarkana aad si joogto ah u booqato, iyo in aad la socoto astaamaha xanuunka. Taas waxaa kaaga mahadcelin doono unugyada difaaca jirkaaga.