GARGAARKA DEGDEGA AH ,CAAWINTA QOF SHIL GAADHI GALAY.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Waxa laga yaabaa in aad la kulanto shil ,ama ALLE kuguma keeno shil in aad gashid oo aanad dhaawacmin magaran kartaa sida aad u caawin lahayd dadka dhaawaca shilku uusoo gaadhay ?

Laga soo bilaabo 2010 dhulka somalida waxa aad u soo badanayaa baabuurta iyo shilalkooda ,shilalka ugu badan waxa sababa waa khibrad la’aan dirawalka,wadooyinka oo aan hagaagsanayn ,baabuurta oo aan la eegayn habsami ushaqaynta marka uu safar uu galayo ,dad badan oo baabuurka fuula kuwaas oo ka badan intii loogu talo galay iyo dadkii oo aan haysan khibrad caafimaad oo ay ku badbaadiyaan xaaladaha gargaarka degdega u baahan ,tusaale hadii uu shil uu dhaco.

iyada oo ku salaysan xogaha aynu ka haysano shilalka baabuurta ee wadankeena ka dhacaa ,hadii dadku sifiicn u baran lahaayeen gargaarka degdega ah iyo wacyigalinada ay dawladu siinayso dirawalada waxa la badbaadin lahaa dad badan oo sifudud inooga dhinta.

Waxaan eegeynaa mid kasta oo ka mid ah tallaabooyinkan badbaadinta nolosha ee caawin kara dhibbanaha shilka.

MARKA AAD GOOBTA TIMAADID UU SHILKU KA DHACAY ,ADEEGA KOOWAAD EE AAD QABANAYSID .

  • FIIRI IN GOOBTU AY TAHAY AAMIN (OO AAN NAFTAADA DHAAWAC KASOO GAADHAYN).

Waxa ugu horreeya ee aad u baahan tahay inaad ogaato markaad la kulanto shil waddo waa haddii goobtu ay tahay mid ammaan ah in la galo oo la heli karo ka hor intaadan isku dayin inaad bixiso gargaarka degdegga ah. Tani waa si loo hubiyo badbaadadaada marka hore ka hor inta aanad caawinin dadka waxyeelloobay.

  • HADDII AAD HAYSATID FIRST AID KITT XIDHO QALABKA KA HORTAGGA SIDA GACMO GALIS.

Inta aanad tallaabo kale qaadin waa in aad xidhataa gacmo galiskaaga ,hadii aanad haysan isku day dhiigg hadii uu kusoo gaadho in aad farahaaga ku taabatid wajigaaga.

  • AAD U FIIRI DHAAWACU INTA UU YAHAY/INTA QOF EE DHAAWACANTAY.

Haddii aad ku dhaawacantay shilka, marka hore iska hubi wixii dhaawac ah ama dhiig ah. Haddii kuwa kale ay dhaawacmaan, qiimee inta ay le’eg yihiin dhaawacyadooda. Raadi dhiig kasta madaxa, qoorta, gacmaha, lugaha, caloosha, iyo qaybaha kale ee jirka.

  • WAC/LAHADAL AMBULANCE.

Isla markiiba wac ambalaasta degdegga ah ama adeegyada caafimaadka degdegga ah (EMS) si aad ugu wargeliso dhacdada. Weydii talooyinkooda si aad u soo noolayso oo aad ugu degdegto dhibbaneyaasha rugta caafimaad ee kuugu dhow.

  • FIIRI HAWO MAREENKA ,AFKA IYO CUNAHA .

Haddii aad aragtid qofka dhaawacmay oo aan neefsanayn fiiri laabtiisa iyo in aad dareentid qaraaca wadnaha,afka bukaanka fiiri hadii ay ku jiraan ciid ,candhuuf ama dhiig ka nadiifi adigoo isticmaalaya maro nadiif ah .

qoorta dhaawaca kale fur ,dib u fiiri in uu neefsanayo kadib ,hadii uu neefsan waayo ku dedaal qoorta bukaanku in ayna isku laaban, kadib cadaadis saaid ah ayaad saari doontaa laabtiisa adigoo qofka weyn laabtiisa oo aad labadaada gacmood dul dhigtid usamayanaya 30 cadaadis iyo laba hawo siin toos ah .

haddii ilmo da’da dhexe ah isna aad aragto in aanu neefsanayn qaraaca wadnahana aanad dareeayn isna waxa aad u samaynaysaa 15 laab cadaadis iyo laba hawo siin.

haddii uu yahay ilmo ka yar bil waxa aad samayn isagana shan(5) cadaadis ayaad ugu samayn laabta adiogoo siinaya kadib laba hawo siin oo toos ah.

marka aad intaa u samaysid kadib fiiri in aad dareentid in uu neefsanayo iyo in qaraaca wadnuhu uu jiro tallaabadan raac.

HADDII AANAD DAREEMIN WAA IN AAD SII WADAA ILAA INTA CAAWIMO HELAYSID.

haddii aad aragtid in dhibanuhu uu neefsanayo ama mantago waa in aad u dhigtaa dhinac.

FAAIIDOOYINKA KU JIRA IN QOFKA CADAADISKA LAABTA LAGA SAARO OO LA CADAADIYO.

sababta loo cadaadinayo laabta waxa in la cariyo in wadnuhu dhiig ku filan uu gaadhsiiyo maskaxda maadama qofku uu dhiig baxay ama jidhkiisa ka baxeen macdano badan .

waxa looyaqaan cpr(cardiopulmonary resucitation).

  • JOOJI/XIDH/CADAADII DHIIGGA KA BAXAYA QOFKA DHAAWACMAY.

Dhiig baxa waxa lagu joojin karaa cadaadis joogto ah adiga oo isticmaalaya maro nadiif ah ama suuf nadiif ah ilaa inta goob caafimaad qofka laga gaynayo.

  • FIIRI DHAAWACA IN UU KA JIRO LAFDHABARTA AMA QOORTA.

Qoorta iyo xanguluhu waxa ay ka mid yihiin xubnayaasha sida fudud u dhaawacmi kara maadama aad u jilicsanyihiin sidoo kale shaqo aad muhiim u ah inoo qabta.

haddii ay qofku uu ka dhaawacmo badanaa uu miirdoorsamaa,ta mudan in laxuso waxa weeyi marka uu qofku uu soo dhawacmo in sifiicn qoortiisa iyo xanugulahaba sifiicn loo qaadin qoorta iyo dhabarka taas waxa ay keeni kartaa dhaawac aad u daran oo soo gaadha.

hadii qofku uu ka dhaawacmona waxa muhiim ah in dhaqdhaqaaqa laga yareeyo dhabarka iyo qoorta si aanay dhib intan kasii badan qofka ayna u gaadhin .

hadii qofku uu ka dhaawacmo qoorta iyo xangulaha waxa loo ilaalinayaa sidan hoos ka muuqata.

1.waxa lagu xidhayaa qoortaageero u diidaysa in qoortu ay dhaqdhaqaaqdo.

2.caag u diidaya in hawo mareenku uu xidhmo oo afka laga galinayo.

  • KU DEDAAL IN BUKAANKU DIIRIMAAD UU JIDHKIISU AHAADO.

Dhibanayawaxa ay dareemayaan qabow saaid ah xaaladda caafimaad darro ee lasoo daristay awgeed.

Sidaa darteed, kuleylintooda ayaa muhiim u ah badbaadadooda. Isticmaal jaakad, bustde, ama wax kasta oo laga heli karo goobta kadib qofka ku ded.

XASUUSNOW.

hadii aad ambulance waydid gaadiga kuugu dhaw ayaad ku gayn dhakhtar .

fadlan hawo mareenka u ilaali dhibanaha dhaawacu uu soo gaadhay(adigoo qoortiisa kale furaya fiirinaya in uu hawo qaadanayo iyo inkale).

haddii aad aragtid in uu mantagayo dhinac u dhig..

haddii aad la kulanto in aanu neefsanayn caadaadiska laabta bilow adiga oo u eegaya hadba da’diisa dad waaweyn ama caruur.

haddii aad aragtid dhiig bax ,degdeg dhiigga u jooji adiga oo cadaadinaya meesha dhiig kasoo baxayo.

haddii aad aragtid goob jaban sida lafaha oo soo baxsan duub .

ha ilaawin in aad qofka bukaanka ah qabowga ka dedid ama ka huwisid buste .go ama wixii hadba kuu dhow .

mahadsanid.