GARGAARKA DEGDEGA AH:BADBAADINTA QOF BIYO KU QARQOORMAY.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Ku qarqoomidda in biyo lagu qorqoomo ama la quusoo waxa ay keenta in sanka iyo afkaba biyo badan qofka ay ka galaan isaga oo is leh hawo qaado.

qofku marka isaga oo aan is ogayn uu ku dhaco biyo sida baraakad ama baddu ay la tagto oo ay liqdo ,isla markaaba waxa qofkaa xidhma hawo mareenka maadama biyo badan ay ka galayaan .

casharkan waxa aynu ku baran doonaa sidee ayeynu u badbaadin karnaa qof biyo ku qarqoormay.

1.CAAWIMO DALBO.

waxa aad codsataa qofka kuugu dhow in uu ku caawiyo marka aad aragtid qof biyahakudhex jira oo aan awoodayn in uu kasoo baxo ,aad ugu fiirso in uu qofku caawiyaa waa muhiim.

2.BIYAHA KA SOOSAAR QOFKA BUKAANKA AH.

Haddii aad haysatid caagii naqaska ahaa ee quusitaanka qofka ka ilaalinayey ,utuur qofka hadii uu qabsan karo ,hadii uu sifiican uu kugu qabsado kusoo jid.

haddii aanad haysan raadi qof sifiican u garanaya dabaasha ama gacmahaa iswada qabsada si awoodaysan ilaa 6 qof kadib qofka kasoo saara biyaha.

4.EEG /FIIRI HAWO MAREENKA IN UU U FURAN YAHAY .

Qofka fiiri afkiisa ,hadii ay kujiraan biyo ama waxyaabo kale dhinac u dhig si ay uga soo dareeraan ,kadib qorta sideedi ku celi dhagta saar sankiisa ,laabtiisana fiiri hadii aad aragtid in uu sifiican u neefsanayo dhinac u dhig.

Haddi aad aragtid in uuna neefsanayn bilow in dusha sare ka cadaadisid.

5.FIIRI IN QARAAC WADNAHA AAD ADAREENTID.

Qaraaca wadnaha waxa aad ka dareeemaysaa marka aad taabato qanjidhka cunaha agtiisa.

baadh qaraaca wadnaha muddo 10 sec.

4.HADDII AAD WEYDO QARAACA WADNAHA BILOW CPR/CADAADIS LAABTA QOFKA.

Cadaadiska laabtu waxa uu faaiido leeyahay in wadnaha iyo sanbabadu dib shaqadooda u bilaabaan waliba wadnaha maadama uu ka kooban yahay muruqyo.

qofka weyn 30 laab cadaadis iyo laba hawo siin .

ilmaha yar 15 laab cadaadis iyo 2 hawo siin .

ilmaha aad ka u yar 5 LAAB CADAADIS OO AAD ISTICMAALAYSID LABA FAROOD IYO 2 HAWO SIIN.

marka aad u dhamaysid hadba bukaanka uu yahay qofka biyaha ku qarqoomay waa in aad dib u eegta hadana inuu neefsanayo ,hadii aad aragto qofku in uu soo fiicnaaday waa in aad u dhigtaa dhinac si biyaha kasoo baxayaa anuu ugu saxan .,hadii kale oo aad aragtid in aanu wali wax jawaab ah bixin ilaa 5 wareeg u samee ilaa inta aad goob caafimaadka gaynaysid .

nala soco.