Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Neef-qabatowgu waa xaalad degedeg ah oo ku timaada tuunbooyinka hawo mareenka ee qofka xanuunka xiiqda qaba.
neef qabatowgu wuxuu noqon karaa mid degdeg ah, oo u baahan gargaar degdeg ah iyo daryeel caafimaad oo degdeg ah.
Haddii aad tallaabo degdeg ah qaaddo, waxaad yareyn kartaa halista xaaladda degdegga ah ee neef qabatowga tuaasle ahaan adiga oo qofka kasaara goobta taas oo keentay in xaw aladan qofku uu galo sida hadii cadar lagu buufiyo qolka ,hadii qolku wada dhas yahay ama wada boor.
Haddii adiga ama xubin qoyska ka mid ah ay qabaan neefqabato, hubi inaad diyaariso Qorshaha Waxqabadka Neefta adiga oo kaashanaya dhakhtarkaaga.
CALAAMADAHA LAGU GARTO NEEF QABATOWGA/XIIQ.
CALAAMADAHA FUDUD AMA SAHLAN.
- Naqaska oo qabanaya marmar.
- Hadalka kelmadaha oo qoku uu dhamaystirayo caadi uu u hadlayo laakin culays yar uu ka dareemayo laabta.
- Socodkiisu waa caadi oo socodku ma dhibayo .
- Waxa uu yeelanayaa qofac sida codka foodhida oo kale ah .
CALAAMADAHA HALISTA AH.
Calaamadaha halista ah waxa ay imanayaan marka calaamadaha fudud ee kor ku xusan qofka si degdeg ah xaaladiisa wax looga qaban waayo.
- Si degdeg ah hawo qaadashada oo adkaata.
- ma hadli karo ,kuma hadli karo hadal dhamaystiran hadalka uu kale jarjarayaa naqaska ama hawada oo ku adag awgeed.
- kogid ama urur qof ku uu isasoo xodayo inta feedhaha hoose .
- qufac aan kale go’ lahayn.
- degenaanshiyo la’aan.
- jidhka oo qabooba qofka.
- dibanaha oo buluug noqda taas oo ay ugu wacantahay oksijiinta oo qofka kahoosaysa.
- hadrasho qofka oo ereyo kale dududwan ku hadlaya.
GARGAARGA DEGDEGA AH QOFKA XIIQDA QABA MAXAAD U QABAN KARTAA?
Hadii guriga uu kula joogo qof xiiqleh waa in aad qorshe ka yeelataa hadii neeftu qabato waxa aad ku badbaadin lahayd.
1.QOFKA FADHIISI ,SOO FADHIISI .
Waxa ay kaa caawinaysaa in hawo mareenku uu furmo ,in qofka sariirta ama fadhigiisa aad ka dhigtid 45 degree ,aadbay muhiim ay u tahay waxa ay ka caawinaysaa in qofka hawo mareekiisu uu furmo iyo in sanbabadu ay helaan gaab ay sifiican ugu kale baxaan.
2. ISTICMAAL DAAWADA NEEF QABATOWGA .
Daawada neef qabatowga ama xiiqdu waxa ay u shaqaysaa in tuunbooyinka hawada ee yaryaraaday in ay balbalaadhiso ,taas waxa ay ka caawinaysaa qofka in sifudud u neefsan karo.
raac qodobadan si aad u isticmaashid:-
- marka aad isticmaalaysid horta lux.
- qofka afka u kale qaad kadib afka u gali adigoa oo furka hore ka furaya.
- afka markaad u galiso qofka afka ha isku qabto.
- kadib sii 3–4 buf adiga oo cadaadinaya qaybta sare ,qofka afka yaanu kale qaadin ha liqo.
haddii uu isbedel yeelan waayo muddo 15 daqiiqo ah kadib waxa aad siin markale daawada salbutamol puff adigoo raacaya qododbada kor ku xusan.
hadii iisbedel degdeg ah uu qofku uu dareemi waayo fadlan si degdeg ah u gee goob caafimaad.
3.WAKHTI SII DAAWADA .
marka aad 4 buuf aad siisid qofka waa in aad sugtaa muddo 15 min hadii uu isbedel yeelan waayo hadana sii 4 buuf oo kale kadib sug.
isbedel la’aan hadii ay jirto sidegdeg ah u gee goob caafimaad .
TALO.
Haddii guriga ay joogaan dad sanboor leh ama xiiq waxa muhiim ah in guriga ay kuu yaalaan daawooyinka xasaasiyadda lagula tacaalo iyo neef qabatowguba .