CAAFIMAADKA INDHAHA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

ARAGTIDA FOG OO AAD SIFIICAN U ARKI WAYDO MAXAA AAD KA DHAXLI KARTAA?

Dhimis -darradu ( myopia) waa xaalad aragti guud oo aad ku arki karto walxaha kuu dhow si cad, laakiin walxaha kaa fog ayaa cawlan. Waxay dhacdaa marka qaabka ishaadu ay keento in fallaadhaha iftiinku si qaldan u foorarsadaan (u diidaan), iyagoo diiradda saaraya sawirrada indhahaaga hortiisa halkii ay ka eegi lahaayeen ishaada.

Waxyaabaha kuu dhowdhow oo aad arki waydid waxa ay u korodhaa si degdeg ah hadii aan la daaweyn ,da’da qaangaadhka hadii xaaladdan ay qofka ku bilaabmato waxa dhacda in si degdeg ah u baahdo .

Xaaladdan hadii la daaweyn waayo waxa ay saamayn xoog leh ku yeelan kartaa hawl qabadyadii qofku uu qabaneyey .

Ardayda dugsiyada dhigata waxa muhiim ah in xaaladooda aad loola socdo caafimaad indhuhuna waxa ay ka mid yihiin xubnaha sifudud u dhaawacmi kara .

CALAAMADAHA LAGU GARTO ARAGTIDA FOG INAY HOOS U DHACDAY.

  • wiilka isha ayaa balaadha kadib qofku sifiican waxba uma arkayo.
  • haydh-haydh ama caadka indhaha saarma.
  • madax-xanuun saaid ah .
  • indhaha oo aad udaala .
  • aragtida habeenki ee baabuur wadida,baaskiilada iyo dhamaan wadida gaadiidka way ku adagtahay in uu ka xeeyo .

xaaladdan waxa ay aad ugu badan tahay caruurta xilliga ay ku jiraan dugsiga hoose dhexe waxa aad ku arki kartaa ilmahaaga :

  • ilmaha oo aad ugu dhawaanaya muuqbaahiyaha iyo telefiishanka aadna indhihiisa u yaryaraynaya si uu sifiican ugu arko.
  • ilmaha oo aad ugu bogan in uu sifiican uu u arko marka aad waxka fog u tilmaamaysid sidoo kalena ku dhahaaya ma arkayo ama indhaha yaryaraynaya .
  • dadka waaweyn badanaa way ka cawdaan waxa u badan dadka xanuunada jiitama la nool.
  • ilmaha waxa lagu arki karaa isaga oo aad u xoqaya indhaha .

hilaac yar oo indhaha dhex yaacyaaca,madmadow indhaha sida saxarka oo kale ah iyo xidido yaryar oo cas-cas waa calaamad muujinaysa in qaybta ratina-naha loo yaqaan ee ishu ay dhaawacantahay qofkuna uu u baahan yahay in uu si degdeg ah dhakhtar uu ula kulmo .

CABIRKA JOOGTADA AH EE INDHAHA.

Aad iyo aad ayey muhiim u tahay in aad la socoto cabirka indhaha ee dhammaan qoyska oo dhan si caafimaadka indhaha u joogtayno.

Wakhtiyada caruurtu ay ku jiraan dugsiga dhexe waxa ay aad ula kulmaan dhammaan caqabadaha indhaha sidaas ayey muhiim u tahay in caruurta sanad dugsiyeedku marka uu dhamaado in la cabiro.

533634892

DADKA WAAWEYN.

Haddii aad qabtid xanuunka glucoma waa muhiim in aad marwalba aad is cabritid.

MAXAA SABABA.

sababtu waxa ay ka timaada ciladaha ku yimaada labadan sida qaybta cornea- iyo lens iftiinka laydhka bedelaya si humaag u samaysmo.

haddii ay kubadda ishu ay ka yartahay qaybta cornea – waxa dhici karta in qofku uu sifiican u arki waayo waxyabaha ka fog.

YAA HALIS UGU JIRA?

-hiddo raac,haddii waalidkaa uu leeyahay ama qaraabadu ay leedahay waa ay keeni kartaa in ay kugu dhacdo adigana fadlan ku dedaal cabir joogto ah.

deegaan,haddi qofku aad u isticmaalo agabkan casriga ah ee korontada ku shaqeeya ,sidoo kale nasasho la’aan baahsan dhamman waxa ay keeni karaan xaaladan.

HADII AAD ISKA WAYDO MAXAAD KA DHAXLI KARTAA….

-Waxa ay hoos udhici kartaa habsami ushaqayntii malin laha ahayd .

-daal badan iyo liidad madmadow oo indhaha dhamman ku faafa taas oo keeni karta in aad sifiican wax uga arki waysid.

-darawil gaadhi haddii aad tahay waxa ay keeni kartaa in aragtida waxbadan ay hoos uga dhici karaan sida in godadka wadooyinka iyo shilal kuu sahli karaan .

-Madax xanuun saa’id ah .

KA HORTAG.

-meel madow haku isticmaalin mobileka,computerka iyo alaabaha iftiinka badan.

-nasso wakhtiyada cadceeddu kulushahay sida duhurki .

-habeenkii seexo wakhti 8 saac ku dhow.

-isticmaal fiitamiino sida fiitamin A.

-Khudaarta cagaaran aad u isticmaal.

DAAWEYN.

Daaweynta ka hor waxa uu qofku uu ubaahan karaa in uu is cabiro ,kadib lagu goaan qaato dhibtu inta ay gaadhsiisantahay si daawada ku haboon loo heli karo.

fadlan la tasho dhakhtarka indhaha.

-Isticmaal fitamin A.