Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Ilkaheenu waxa ay leeyihiin godad aan daloolin lakin xoodan sida buurta oo kale ah ,kuwaas oo inaga anfaca in ilkaha sare iyo ilka daanka hoose ay si isleeg isku dul istaagan ,xiliga cuntada la burburinayana waa kuwa inaga caawiya in sifiican loo burburin karo cuntada.
Daloollada ayaa ah aagag si joogto ah u burburay oo ku yaal dusha adag ee ilkahaaga oo isu beddela meelo yaryar ama daloollo. Daloollada, oo sidoo kale loo yaqaan bololka ilkaha ama suuska, waxaa sababa dhowr arrimood oo is biirsaday, oo ay ku jiraan bakteeriyada afkaaga ku jirta, cunto fudud oo aad u badan, cabitaanka cabitaannada sonkorta leh iyo ilkahaaga oo aan si fiican u nadiifin.
Godadka iyo ilkaha oo bolola ayaa ka mid ah dhibaatooyinka caafimaad ee ugu badan dunida.
Waxay si gaar ah ugu badan yihiin carruurta, dhallinyarada iyo dadka waaweyn. Laakiin qof kasta oo ilko leh wuxuu yeelan karaa godad ama in iligu uu dalooshomo iyada oo ay ku keeni karaan waxyaabo badan .
burburka iliga marka uu bilowga yahay suusku hadii aan la qaban waxa uu noqon karaa mid waxyeelo badan , illigu sifudud ayuu u jajabi karaa ciridkuna dhaawac aad u daran ayaa ku iman kara.
iligu uu burburaa hadii aan dhawacaa la qaban waxa dhici karta in uu keeni karo caabuq saaid ah qofkana caafimaadkiisa halis galin kara.
CALAAMADAHA LAGU ARKO DICIIFIDDA IYO BURBURKA ILKAHA.
- Kaar badan ,xanuunka iligga oo noqda mid xidhiidhsan ama mid xilli aan lagaranayn imanaya.
- sililyo.
- kaar iyo awood la’aan marka wax la cuno ama lacabayo.
- godad/dalool iligga oo dalooshama ama daloolay.
- halka iligu uu ka dalooshamay oo lagu arko madow.
MAXAA SABABA?
-Cadcaddan ku samaysma iliga hoostiisa(cadcaddaankaas oo ah cuntooyin iyo cabitaano huube ah oo qofku uu ka cadayan waayo kaaso ku hadha afka ilkaha hoostooda.
cuntada iyo waxyaabaha kale ee ku hadhhadha afka waxa ka faaiidaysanaysa bakteriyada afka ku nool ,taas waxa ay keenaysaa in iligaas hoostiisa cuntadu ku ururtay in bakteriyadaas u timaad kadib burburiso caabuqna gaadhsiiso dhammaan iliga inta ku hareeraysan.
-burburka ilkaha, iliggu hadii uu dhaawac kaasoo gaadho sida in dhagax lagu dhufto oo qayb ka mid ah ay jabto ,waxa ka faaiidaysta bakteriyada ,haddii aan la daawayn oo la buuxin bakteriyadaas waxa ay burburin dhammaan iligaas ,ilaa ayka gaadho xididda dhiiga iyo dareen wadka taas oo qofka ku keeni karta xaalad xaaladdii ka adag.
xasuusnow,sonkorta badan iyo cadayn la’aantu waxa ay sii kordhinaysaa in ilkuhu sifudud u dhaawacmaan fadlan ka taxadir.
YAA HALIS UGU JIRA?
- iliggu halka uu ku yaalo, ilkaha ugu badan ee dhaawacma ilkaheenu waa ilkaha danbe .
- cuntooyinka iyo cabitaanada(cuntooyinka inta badan ilkaha ku hadha iyo cabbitaanada sonkorta leh .) cuntooyinkaas waxa ka mid ah keega ,cunto wadaniga sida digirta ,gallayda ,bariiska iyo baradhada. cabbitaanada dhamman sharaabada leh sonkorta.
- caruurta yar yar ee faraha jaqa .
- masaasadda caruurta ,xilliyada habeenki caanaha la siiyo waxa ay kor uqaada in ilmaha bakteriya badan ku dhalato kadib ay ilkihiisa ay dhaawacdo.
- wakhti ku filan hadii aad cadayn waydo.
- haddii aanad ku cadayan daawooyinka ilkaha awoodooda kor u qaada sida fluride ama colgate.
- afka qalalan , biyo cabis laanta badan way keeni kartaa in ilkuhu burburaan.
HADDII ILIGA BURBURAYA LA QABAN WAAYO MAXAA LAGA DHAXLI KARA?
- Kaar badan .
- dheecaan gala iliga jiriddiisa.
- barar.
- calalinta cuntada oo hoos u dhac kuyimaado.
MAXAAD KAGA HORTAGI KARTAA?
- Ku cadayo colgate waxa ku jirta fluride badan taas oo ka hortagaysa caabuq in uu ku dhaco iliga sidoo kalena awood badan siinaysa.
- hadii dhakhtarka afku uu kuyidhaa halis ayaad ugu jirtaa suus waa in aad afka dhaqataa sidagana ku hagaya.
- isticmaal biyaha dabiiciga ah .
- Isticmaal cuntooyinka muuhiim ka u ah afka sida fitamin nada.
- haddii aad barar badan aad isku aragto kale tasho caabuq yareeye in uu ku siiyo.
- caruurta yaryar ku dedaal markaad cuntada siiso in aad u af dhaqdid.
DAAWEYN.
Dhakhtarka afka ayaad la xidhiidhi .
inta kale maxan sii isticmaali karaa?
waxa aad isticmaali kartaa daawooyinka afka lagu cadayo iyo daawooyinka afka lagu dhaqo si uu nadiif u ahaado
kale tasho dawoyaqaan ama dhakhtarka afka sida loo isticmaalayo.
FADLAN KU XIDHNOW DHAKHTARKA AFKA .