Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Dhegtu waa xubin muhiim u ah nolosheena ,sidoo kale waxa ay aad muhiim ugu tahay socodka qofku uu soconayo.
dhegta maadaama maalin walba intaas o kun oo boodh ah ay galayaan waxa ay samaysaa difaac ay iskaga ilaalinayso dhaskaas iyo bakteeriyadaas in ay waxyeeleeyaan sidaa darteed waxa ay soo daysaa dareere yar oo looyaqaano dhukay.
Dhukayga dhegta marka laga sifaynayo dhakhaatiirtu waxa ay sheegaan in aan laga dhamayn sababtoo ah difaac ayuu dhegta uu u yahay.
-nadiifinta dhegta marka aad qubaysatid ayaad nadiifin kartaa
-haddii dhukay badan ama adkaaday dhegta kujirana in aad nadiifisaa waa muhiim.
maqalka qofka marmarka qaar waxa ka xidhi kara dhukayga badan .
FAAIIDOOYINKA DHUKAYGA/WAX?
- waxa uu ka hortagaa bakteriyada iyo dhammaan ilmo aragtayda xanuun dhaliyaha ah.
- dhegta waxa uu siiyaa xaydhayn taas oo ka hortagaysa cun cunka .
SIDEED AYAA AAD U NADIIFISAA DHEGAHAAGA?
- Hubi marka hore dhegtaada in caabuq uu jiro ama uu dhaawac soo gaadhay dhegta qaybta dhexe.
haddii dhegtaadu ay qabto caabuq waa halis badantahay in aad adigu nadiifiso , khadarteeda ayey leedahay fadlan ha taaban .
calaamadaha caabuqa ah ee aad ku garan kartid in caabuq uu jiro –
- Xummad.
- mantag.
- dawakhaad.
- dheecaan dareere huruud ah oo dhegta kasoo baxa.
2. Isticmaal dhibic-dhibicda dhegaha ee loogu talo galay in dhagaha lagu nadiifiyo.
daawadan magaceeda waxa layidhaa dewax ,waxa ay nadiifisaa dhegta sidoo kale dhukayga badan ee dhegta ku adkaadana waa ay jilcisaa kadib sifudud ayuu usoo go’aa.
waxa aad isticmaali kartaa 5—10 dhibcood dhegtiba adiga oo la tashanaya dawoyaqaankaaga.
-dadka waaweyn marka kushubaysid waxa aad dhegta u jiidaysaa kor.
-halka caruurta yaryar aad dhegta ujiidaysid hoos ama dib .
-qofka waxa aad u dhigaysaa dhinac.
-kadib hadba qofka u hayo carr/dad waaweyn dhegta sida kor usoo xusanay ayaad u jiidi.
-kadib daawada ayaad diyaarsan ,waad ku shubi.
-muddo 5minute ah ha ujiifo dhinacaas.
– sifiican dhukayga uga nadiifi adiga oo isticmaalaya qoriga dhukayga ee afka cudbiga ku leh ama hadii aad haysatid miishiinka dhegta lagu nadiifiyo,aad uga taxadir marka aad isticmaalaysid qorigan cudbiga leh fadlan dewax ta ama daawada ku yar qo si gidaarka aanu u xoqin.
xaga hore ee dhegta ha usii durkin marka aad nadiifinaysid dhegta ee fadlan inta soke dhukaygu uu ku badan yahay uun kasoo nadiifi .
isticmaal qori cudbi aad qoysay ku wareeji 5 jeer adiga oo aan gidaarka dhegta ku xoqayn.
-dhegta qalaji .
-toosh ku fiiri eeg wax dhaawac ah ina aad gaadhsiisay ama dhukay gidaarada kaaga hadhay.
-cudbi dhegta u gali si hawadu ayna u dhibin.
DHEGAHA MAXAA DHAAWAC?
dhegtu sifudud ayey u dhaawacmi kartaa maadamaa xuub yar kaliyata uu inaga xigo maskaxda iyo habka dareenka siiya dhegta .
ka fogowo qodobadan:-
-dhegtaada ha galin oo haku xoqin furka qalinka.
-Hala isticmaalin qofnaba dhagaha mobile .
-dhegtaada haku xoqin farhaaga
qodobadan waxa aad u dhaawacaan dhegta fadlan ka dheero.
caruurta yaryar dhegahoodu aadbay udhaawacmi karaan maadama aan sifudud loo ogaan karin aad uga taxadir hadii aad kari waydid fadlan laxidhiidh dhakhtarka sanka ,afka iyo dhagaha ku takhasuusay.