Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Caano-fadhigu waa caano iyo nafaqooyin kale oo la isku daray ,aad iyo aad u nafaqo badan .
Cunto dhaqankeena waxa ay cuntada ku isticmaalnaa ciir ,ciirtu aadbay unafaqo badan tahay waxa ay ka koobantahay waa caanaha inta ugu nafaqada badan.
Caano fadhigu waxa uu ka kooban yahay biyo,caano barotin, dux iyo sonkor.
1.Caano-fadhigu waa nafaqo dhamaystiran waxa aad ugu badan vitamin B , calcium iyo iodine.
2. protein(barotin)ka kujira waxa lagu qiyaasaa 9% .
-Barootiinku waxa uu uwanaagsan yahay unugyada jidhkeena marka la bedelayo, ciddiyaheena ,timaha iyo maskaxda.
–Faaiidooyinka kale ee uu inoo leeyahay barootinku waxa ka mid ah waxcunista qofka kor ayuu ugu qaada.
-Miisaankaagu haddii uu badan yahay sidoo kale barootinku waxa uu ka qayb qadanayaa in uu hoos kaaga rido miisanka.
3.Kor uqaadidda caafimadka dheefshiidka.
Dheefshiidku waa habka cuntada loo burburiyo ,waxa ka qaybqaata ,fal dadajiyeyaal ,jidhkeena iyo ilmo aragtay ubadan bakteriya kuwaas oo jidhkeena faaiido aad ubadan u leh burburinta cuntada.
caano fadhiga yogourt waxa ay hoos udhigtaa dhibaatooyinka ka jira dheefshiidka sida :-
-Calool istaagga.
-Shubanka badan.
-Naqaska badan ee caloosha.
-Dhammaan xanuunada ku dhaca xiidmaha.
4.Habka difaaca.
Difaaca jidhkeenu marwalba waxa uu u bahan yahay garab iyo dardar galin ,in aad isticmaashid cunto dheeli tiran iyo jimicsi.
nafaqada yogurt waxa ka mid ah waxybaaha ku jira vitamin d ,waxa uu ka qayb qaata in horumariyo habka difaaceena .
fiitamin-nada kale ee ku jira waxa ka mid ah selenium oo u wanaagsan ka hortagga xanuunada ku dhaca qanjidhka thyriodka(tayroodh).
zinc oo isna aad ugu wanaagsan hab difaaca iyo lafaha.
5.Ka hortagga xanuunka lafaha diciifiya ee osteoporosis.
caano fadhigan yogourt waxa ay kakoobantahay calcium,vitamin d, macdanno iyo protein ,dhammaantood waxa ay aad ugu wanaagsan yihiin lafaheena .
nafaqooyinkaasina waxa ay ka hortagaan dhamman xanuunada ku imada lafaha.
YAAN QAADAN KARIN ?
Qof walaba ma isticmaali karo dadka qaar xanuuno ayey ku keeni kartaa waxa ka mid ah:-
# Dadka qaba xanuunka lactose intolorence.
xanuunkan dadka qaba waxa ka maqan falgal dadajiye burburiya sonkorta ku jirta caanaha ,marka qofku marka uu qaato caano ama caano-fadhi waxa uu ku yeeshaa calaamadahan:-
-cassiraad.
-shuban.
calaamadahan waxa uu yeelanayaa marka uu isticmaalo caano ama caano cunto ay ku jiraan sida yogourt.
# dadka ku leh allergic(xasasiyad).
caanaha waxa ku jira laba barootin oo loyaqaan(casein and whey) labadan dadka qaar waxa ay kukenaan xasaasiyad, waxa lagu arkaa :-
-cun-cun.
-cas-cassan jidhka ah.
-finan.
**SIDEED KU DOORAN KARTAA YOGOURTA(CAANO-FADHIGA UGU WANAAGSAN).
Si aad u doorato nafaqada kugu haboon marka hore sifiican u akhri caano fadhiga waxyaabaha uu ka kooban yahay marka aad joogtid goobta aad ka gadanaysid.
yogour-ka ugu wanaagsan waa ka bilaa sonkorta(sugar)-ka ah.
waxa aad ogtahay waxa jidhkaagu u baahanyahay sida tusaale ahaan waxa aad ugu baahantahay mid protein ku uu ku badan yahay waxa aad eegi boqokiiba inta kaga jirta kadib taas ayaad qaadan .
waxa ay kuxidhantahay baahidaada jidh ahaaneed.
fadlan la tasho dhakhtarkaaga.