Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
QANJIDHKA RAGGA.
Qanjidhka loo yaqaano prostate gland waa qanjidh yar oo kuyaala inta u dhaxaysa kaadi-haysta iyo xubinta ragga.
Qanjidhku waxa uu sidoo kale udhowyahay malawadka ,tuunbada kaadida dibadda usoosaartaa waxa ay dhex-martaa qanjidhka prostate ka ,kaadi haysta iyo xubinta ragga ilaa ay kaadidu dibadda u baxayso .
SHAQOOYINKA QANJIDHKA.
–Qanjidhku waxa uu soo daayaa dareere yar kaas oo ilaaliya ugxanta taranka ninka ,dareerahaas waxa ay xambaaraan unugyada taranka(ugxanta)dareerahan oo ka ilaalinaya in ay dhintaan unugyadu.
GOORMAA LA ODHAN KARAA QOFKA QANJIDHKII AYAA WEYNAADAY ?
Ninka qanjidhka saamayntiisu waxa ay kusoo ifbaxdaaa ilaa 60 jir iyo wixii ka weyn .
cabirka dhiigga marka laga eegayo inta caadiga ah waxa weeyi :-
-dareeraha uu soosaarayo ee ugxanta qaadaya 43 cc/ml.
-dhiigga marka laga eegayo in caabuq uu ku dhacay iyo inkale waxa uu noqonayaa 1.0 and 1.5 ng/ml.
labadaa number inta udhaxaysaa haddii uu soo baxo waa caadi ,laakiin hadii uu ka bato waa waxa jira caabuq.
XANUUNADA QANJIDHKA PROSTATE KU DHACA.
–PROSTITIS xaaladan waa marka uu caabuq uu kudhaco qanjidhka badanaa waxa lagu daweeyaa caabuq-yareeye antibiotic.
–MARKA UU QANJIDHKU UU BALAADHO , waxa loo yaqaan kansarka qafiifka ah ee kena in qanjidhku uu balaadho (BPH) badana waxa uu ku dhacaa ragga ka weyn 50 . xaaladan waxa ku adkaanaysa qofka kaadida ,daawooyin iyo qalniinba waa lagu daaweeyaa.
–QANJIDHKA MARKA KANSAR UU KU DHACO ,waa kansarka ugu badan ee ku dhaca ragga, laakin 40% ayaa u dhinta kansarka ku dhaca qanjidhka ragga.
sababtuna waxa weeyi haddi xilli hore la daaweyn waayo ,waxa fidaya kansarka isaga oo saamaynaya dhamman jidhka halbowlayaashiisa.
daaweyntiisu waa qalniin marmarka qaar ayaa qofka laqali karin haddii xaaladda qofku ay cuslaato.
markaa waxa la doorbidaa in daaweyn.
CALAAMADAHA LAGU GARTO XANUUN IN UU KU DHACAY QANJIDHKA RAGGA.
- kaadi dhiig.
- Xumad.
- kaddi rassin hurud iyo madow ah.
- kaadida oo dhibic-dhibic ah marka uu kaadshayo ,inbadana musqusha ku jiraya.
- Kaar miskaha iyo uurku jirta ah.
- Kaadida oo gubta.
Haddii uu aad u balaadho waxa dhici karta in kaadiba ay kasoo bixi waydo ,xaaladan waa xaalad lagula tacaalo goob caafimaad .
SIDEE AYAA LAGU OGAADAA IN QANJIDHKU UU XANUUN UU KU DHACAY ?
Qofka waxa loo diraa shybaadho.
-Digital rectal examination , dhakhtarku waxa uu samaynayaa inta uu gloves uu xidho in uu malawadka xaga dabada laba farood uu galiyo in uu halkaa ka taabto qanjidhka isaga oo eegaya in uu bararay iyo inkale.
–prostate specific antigen , qanjidhku waxa uu soo daayaa dareere loo yaqaan PSA ,shaybaadhka waxa la eegayaa heerka uu marayo haddii uu sareeyo waa la xaqiijinayaa in xaalad ay jirto .
–prostate ultrasound ,sawir ayaa loodirayaa loo yaqanaan ultrasound isaga oo si toos ah loo eegayo xaaladda qanjidhka .
waxa la isticmaalaya tuunbo taas oo xaga dabada qofka laga galinayo ,awooddna u leh in inyar inta lagasoo jaro la shaybaadho si loo ogaan karo ma kansarbaa mise waa xaalad kale.
YAA HALIS UGU JIRA?
-Da’da 50 jir iyo wixii ka weyn.
-Haddi aabaha qoysku uu leeyahay/yeeshay adiguna halis ayaad ugu jirtaa ninow.
-Macaanka dadka lanool.
-Miisanka badan.
-Biyo-baxa degdega ah dadka leh.
-Dadka isticmaala caffein ta ma xanuun baabiyeyasha ay kujirto.
-Dadka la nool dhiikarka.
KA HORTAG.
- Jimicsi badan samee.
- Yaree dawooyinka sanboorka.
- Yaree isticmaalka waxyaabaha ay kujirto caffeine.
- Yaree dareeraha aad isticmaalaysid marka aad seexanaysid.
DAAWEYN.
Daaweynta waxa samayn kara oo kaliyaata dhakhtar.
DHIBAATOYIN MALGA DHAXLI KARA?
Haa , qofku hadii uu tagi waayo goob caafimaad way ku imanaysaa dhibaatooyin sida :-
-Kelyaha oo dhaawacma.
-Kaadi haysta oo caabuq saaid ah yeelata.
-Kaadi haysta oo dhagaxaan yeelata.
-Kansarka oo aad ugu baaha dhamman xubnayaasha.
JIMICSIGA LOOGU TALO GALAY DADKA XAALADAHA KORKU XUSAN KA CABANAYA WAXAA LO YAQAAN KEGEL EXERCISE .