WAA MAXAY NEBULIZER MACHINE-KU?

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Haddii aad leedahay hawo qabatin(xiiq),haddii ay xaaladu cuslaato daawooyinkuna ay wax ku tari waayaan dhakhtarkaagu wuxuu ku qorayaa in mishiinkan lagugu xidho si daawoo laguugu siiyo.

mishiinkan qof walbaa uu isticmaali karaa sidoo kale waa mid la qaadi karo goob walba iyo meel walba uu u qaadan karo qofka bukaha .

Daawooyinka xiiqda ee mishiinkan loo isticmaalo waa qaar dareere ah sidan:

QAYBAHA MACHINE-KA.

SIDEE AYAAD U ISTICMAALI.?

-Dhakhtarkaaga ayaa kuusheegi doona inta jeer ee la isticmaalayo nebulizer-ka , waydii dhakhtarkaga haddii ay jiraan warbixin ku saabsan hab daweyntaada.

*Mashiinka saar meel siman oo dheer oo aanu kasoo dhicin.

* hubi in dhamman mishiinku nadiif ayahay ilaa afsaarka.

* gacmahaaga dhaq ka hor inta aanad daawada diyaarin.

* dawada afka ka jar furkana ka fur qaybta medicine cupka kadib daawada ku shub adiga oo kud araya cc oo biyo distilled ah .

* mishiinka fiishta gali ,sanka u saar mask qofka bukaha ah /afkla u gali caaga afka loogu talo galay kadib badhadda on ka dhig ,sariirtana uga dhig degree ama soo fadhiisi.

* afka isku qabo , hawadana si degen uqaado.

*mask-ku yaanu dhinacna ka neefsan ama daawadu ka bixin.

waxa ay ku xidhnaan karaa mishiinku ilaa 20—-30daqiiqo .

SIDEE AYUU USHAQEEYAA MISHIINKA NEBULIZER?

Hawo-cadaadis ah ayaa soo gasha tuunbada ku xidhiidhsan mishiinka ,koobka daawadu ay ku jirto ayaa cadaadiski hawadu soo gashaa kadib daawadii waxa ay ubedeshaa ceeryaan biyo dhibco ah oo qabow ,daawadii oo dhico iyo qiiq aad moodo ayaa ka baxa maska qofka afka loogu xidhay ,hawo ahaan ayuu u qaadanayaa kadib waxa yaraanaya cadaadiski laabta ka haystay ee neef-qabatowga , sidaas ayey tuunbooyinkii hawo mareenka ee sanbabada bukuhu u noqonayaan mid balaadhsamay oo isku ururukii daawadu ay bogsiisay ,qofkiina si fudud ayuu u qaadanayaa hawadii.

DAAWOOYINKEE AYAA UGU CAANSAN?

Daawooyinka loo isticmaalo mishiinkan waa dawo dareere ah waxa ka mid ah :-

  • Ventolin.
  • albuterol.
  • ipratropium.

SIDEE AYAAN U NADIIFIYAA MISHIINAK NEBULIZERKA?

Mishiinka marka la isticmaalo kadib waa in la nadiifiyaa ,daaweyn walba oo loo isticmaalo .

Haddii aan sifiican loo nadiifin marwalba oo la isticmaalo mishiinka waxa ay keeni kartaa in xanuunada hawo mareenka uu mishiinku qayb ka ahaado inay sifudud u isticmaalan , waxa la bedbedelaa maska,qofka afka loogu xidhayo.