Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
In aad ka habsaantid akhrinta iyo ogaanshiyaha tobankan qodob maaha.
Kelyuhu waxa ay ka mid yihiin xubnayaasha halbowlayaasha ah.
Tobanka qodob waxa ay kale yihiin:-
- XADDIGA BADAN EE XANUUN BAABIIYAHA AH.
Daawooyinka xanuun baabiiyeha ah ee aan lagu bixin waraaqda ee loo yaqaan NSAIDs ,waxa ay hoos u dhigaan kaarka iyo xumadda ,laakiin waxa ay dhaawacaan kelyaha ,haddii aad hore u lahayd xanuunada kelyaha.
Hoos u dhig xaddiga xanuun baabiiye ee aad isticmaashid ,haddii aad u baahatid isticmaal xxaddiga dhakhtarka ama dawoyaqaanku uu kuu qoray.
2.CUNTOOYINKA AY KU BADAN TAHAY MILIXDU.
Milixdu waxa ay ka mid tahay labada dilaa ee cuntadeena dhadhanka u yeelaa.
cuntooyinka milixdu ay ku badan tahay waxa ay kor uqaadaa cadaadiska dhiigga ,taas oo halis ku ah kelyaha,cadaadiska dhiigga oo sarreeya waxa uu dhaawac weyn u gaystaa kelyaha.
aad u yaree xadiga milixda aad qaadanaysid.
3.Cuntooyinka la warshadeeyo.
Cuntooyinka la warasheedeyo sida kalluunka jabiska iyo dhamman cuntooyinka macmacaanka leh waxa aad ugu badan laba maado milixda iyo phosphurs , phosphurs waa maado laga helo lafaheena ,waxa ay faaiido u badantahay lafaha iyo ilkaheena ,hadii xadigeedu uu bato qofkuna kelyihiisu inuun dhaawacan yihin waxa ay kusii keenan dhaawac aad u baaxad weyn.#
Cuntooyinkan aad u yarayso ,cuntooyinka lasoo warshadeeyey waxa aad ugu badan milixda iyo maadada phosphorus oo aad saamayn ugu leh kelyaheena.
4.BIYO -CABIDDA OO YAR.
Jidhka oo aad ku ilaalisid biyaha ,kelyahaagu waxa ay helayaan awood ay iskaga nadiifiyaan sunta iyo milixda badan.
biyo badan oo aad isticmaashid waxa ay hoos u dhigtaa jaaniska uu ku samaysmo dhagaxa kelyaha.
kelyaha dhaawocooda iyo in ay fadhiistaan waxa ay ku xidhan yihiin qofba inta litter ee uu qaato.
1.5 litter ilaa 3 litter oo biyo ah waa inta caadiga ah ee maalin laha ah oo qofka laga rabo inuu isticmaalo .
5. WAKHTIGA HURDADA OO KUGU YARAADA.
Habeenkii in aad sifiican u seexato waxa ay muhiim u tahay shaqaynta ,dib u hagaajinta dhammaan unugyada kelyaha.
haddii aanad helin hurdo kugu filan kelyahaagu iskama qabanayaan shaqada badan ee 24 saac ku dhacaysa .
ILAALI 7–8 SAAC OO HURDO AH IN AA SEEXATID HABEENKII.
6.CUNIDDA HILIBKA BADAN.
Barootiinka xayawaanku waxa uu dhiigga ku soo saaraa xaddi badan oo aysiidh ah oo waxyeello u keeni karta kelyaha oo keeni kara aashito/aysiidh – xaalad aanay kelyuhu si degdeg ah u baabi’in karin aashitada/aysiidha. Barootiinku waxa uu u baahan yahay korriinka, ilaalinta iyo hagaajinta dhammaan qaybaha jidhka laakiin cuntadaadu waa in ay ahaato mid si fiican isugu dheelli tiran khudaarta iyo miraha.
HILIBKA ISTICMAALKIISA WAXA KAAGA WANAAGSAN ,ISTICMAALKA CUNTOOYINKA BAROOTIINKA.
7. SONKOR QAADASHADA BADAN.
Sonkortu waxa ay ka qayb qaadata buurnida xad dhaafka ah taaso kordhinaysa khatarta ah in uu kugu dhaco dhiig karka iyo macaanka, labada sababood ee ugu horeeya ee keena xanuunada kelyaha. Macmacaanka ka sokow, sonkorta waxaa badanaa lagu daraa cuntooyinka iyo cabbitaannada oo laga yaabo inaadan u malayn inay “macaan.” Ka fogow xashiishyada, firileyda quraacda, iyo rootiga cad kuwaas oo dhamaantood ah ilaha qarsoon ee sonkorta la warshadeeyay.
U fiirso maaddooyinka markaad iibsanayso baakadaha si aad uga fogaato sonkorta ku jirta cuntadaada.
8. FADHIGA BADAN.
Fadhiga waqti dheer ayaa hadda lala xiriiriyay horumarinta cudurrada kelyaha. Inkasta oo cilmi-baarayaashu aanay weli garanayn sababta ama sida wakhtiga fadhiga ama dhaqdhaqaaqa jireed ay si toos ah u saameeyaan caafimaadka kelyaha, waxaa la og yahay in dhaqdhaqaaqa jireed ee weyni uu la xiriiro hagaajinta cadaadiska dhiigga iyo dheef-shiid kiimikaadka gulukooska, labadaba arrimaha muhiimka ah ee caafimaadka kelyaha.
MARKA AAD WAKHTI FADHIDIDBA IN AAD ISKALE BIXISID WAA MUHIIM.