NADIIFINTA DHAGAHA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Haddii aanad qabin xanuunada dhagaha ku dhaca waa muhiim in dhagahaaga aad u nadiifisid.

Dhaguhu waxa ay soo daayaan dareere loo yaqaan dhukkay, hadii uu adkaado saamayn ayuu ku yeeshaa maqalka iyo caafimadka dhegta , sifudud ayaa loo nadiifiyaa.

Dhagaha hadii ay galaan cayeyaan sida xuunka,baranbarada iyo dhammaan cayeyaanka yaryar ee duula waxa dhegta nadiifinaya xirfadle caafiaad ,waa in si degdeg ah aad u gaysid goob caafimaad.

Dhagaha hadii ay galaan cuntooyinka aynu cunoo sida bariis,gallayda ,digirta iyo midhaha aadka u yar yar ,waxa muhiim ah in dhegta la daboolo kadib dhakhtarka ku takhasuusay afka ,sanka iyo dhagaha loo geeyo ,isaga ayaa ka talo bixin doona markaa.

HADII DHEGTA AAD KU ARAGTID CALAAMADAHAN HA NADIIFIN:-

  • cassaan.
  • kaar/qaraac/xanuun.
  • barar.
  • dareere dheecaan ah.

dhammantood calaamadahan waxa ay sheegayaan in uu jiro caabuq,waa in si degdeg ah dhakhtarka sanka,afka iyo dhagaha loo geeyaa.

Badbaadada iyo dhegahaagu maaha arrin shaqo oo keliya. Waa inaad ilaalisaa dhegahaaga markaad samaynayso waxqabadyada aad jeceshahay, sidoo kale. Waa kuwan qaar ka mid ah talooyinka waxqabadyada kale:

  • marwalba oo aad kaxaynaysid baaskiil ama mooto madaxaaga ku dabool koofiyad ,waxa ay ka hortagaysaa dhaawacyada soo gaadhaya madaxa iyo dhagaha.
  • marka ay diyaaradu dagayso hamaanso, wax liq si ay dhagahaagu marwalba ula miisaan noqdaan hawada aad soo gashay.
  • haddii aad qabo xiiq iyo caabuqa ku dhaca hawo mareenka waxa aad ku dedaadashaa inta aanad diyaaradda ka dagin in aad qaadatid dawada la iskubuufinayo.

SIDEE DHEGTA LOO NADIIFIYAA ?

Dheg nadiifintu waa dhegta oo laga soo saaro dhukayga adkaaday iyada oo aan lagu nadiifinayo biyo dhanaan iyo hab casri ah.

halkan sifiican uga bogo.

marka aad dhegta aad nadiifisid waxa muhiim ah in aad dabooshid adiga oo cudbi ku daboolaya.

dhegta hadii aad ku aragtid midho inay kujiraan sida bariis ,harakoo, digir iyo dhamman firilayda midhaha yaryar dabool dhegta kadib udir dhakhtarka sanka dhagaha iyo afka.