SHOGGA KORONTADA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Shoogga korontadu waxa uu sababi karaa gubasho, ama waxa laga yaabaa in aanay calaamad muuqata ku reebin maqaarka. Si kastaba ha ahaatee, qulqulka korantada ee jidhka dhex mara waxay keeni kartaa dhaawac gudaha ah, wadne istaag ama dhaawac kale. Xaaladaha qaarkood, xitaa qadar yar oo koronto ah ayaa noqon kara dhimasho.

TAXADIR.

  • Ha taaban isaga/iyada hadii uu ku dhegentahay korontadu.
  • Wac oo ogaysii ciidanka dem-demiska kadib raac tilmaamaha ay ku siiyaan.
  • haddii isha gubashada ay tahay silig korantada sare leh ama hillaac. Ha ka ag dhawaan fiilooyinka korantada sare leh ilaa korontada la damiyo. Xadhkaha korantada ee dusha sare sida caadiga ah ma dahaaran. Joog ugu yaraan 20 fiit (qiyaastii 6 mitir) – ka sii fog haddii fiilooyinku boodboodaan oo ay gubanayaan.
  • Ha dhaq-dhaqaajin qof koronto haysato ilaa isaga oo khatar ku jira mooyaane.

CALAAMADAHAN WAA KHATAR.

  • Gubasho.
  • Neef-qabatow.
  • Ismaan dhaaf.
  • Muruq xanuun.
  • Gariir.
  • Xuska oo qofka ka taga.

Dhammaan calaamadahan waxa ay u baahanyihiin hab jawaabis degdeg ah qofku khatar ayuu gali karaa.

SI DEGDEG AH U WAC CIIDANKA DABDAMISKA.

Tallaabooyinkan qaad si taxadir leh , inta ay kusoo gaadhayaan ciidankanka dabdamiska iyo gargaarka degdega ah .

  • Si degdeg ah u bakhtii halka korontadu ay kasoo baxaysoo ama mashiinka.
  • Isticmaal qori looxa ,oo qalalan xadhigana kaga fogee qofka xadhiga korontada.
  • Ha isticmaalin bir ama xadiid halis weeyi uu kuusoo gudbi karaa korontadu .
  • Fiiri bukaanka in uu neefsanayo sidoo kale uu leeyahay qaraac wadne.

Hadii qofku aanu neefsanayn ama qaraac wadne aanu jirin , bilow CPR.

-Qofka weyn u samee 30 laab-cadaadis iyo laba hawo siin oo afka ah.

-Qofka yar usamee 15 laab cadaadis iyo labo hawo siin oo afka ah.

-Ilmaha kayar 2 sanno u samee 5 far cadaadis oo laabta ah iyo laba hawo siin oo afka ah.

  • ISKU DAY IN AAD KA ILAALISO QOFKA IN UU QABOW UU DAREEMO DED.

Meel kasta oo gubtay ku dabool faashad faashad nadiif ah, haddii la heli karo, ama maro nadiif ah. Ha isticmaalin buste ama tuwaal, sababtoo ah cudbiga ayaa ku dheggi kara meelaha gubashadu ay gaadhay.

fiiri hawo mareenka .

mahadsanid.

KA HORTAG.

  • Qalab qaldan oo lagaliyo goobaha qulqulka korontada sida biraha .
  • Xadhkaha korontada oo diirmay ama taarka oo muuqda.
  • Biraha laydhka oo u dhow goob biyood.
  • Xadhkaha korontada oo dhulka kusoo dhaca .
  • Danab ku dhaca biraha laydhka.

caruurta yaryar khatar aad u badan ayey u jiraan korontada fadlan ka ilaali.