Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
WARBIXIN CAAFIMAAD OO KU SOCOTA DHALIN YARTA.
Khubarada caafimaadka iyo dhakhtaradeena ku takhasuusay wadnaha ee soomaaliyeed ,maalmahan waxa ay soo gudbinayaan xaalado caafimaad darro oo wadnaha ah kaas oo ku badan dhalin yarta. xanuunada wadnuhu aad ayey ugu soo kordhayaan dhalin-yarta waxa muhiim ah in tallaabo degdeg ah la qaado oo lagaga hortago xanuunada wadnaha .
waxa muhiim ah in aad waxbadan aad ka badashid hab nololeedkaaga sida in aad jimicsatid , isku buuqa/werwerka badan oo aad yaraysid cunto dhali-tiran iyo hurdo kugu filan in aad seexatid.
Talooyinkan raac :- –
Jimicso maalintii 2 saac ugu yaraan.
– Cuntada aad isticmaalaysid hagaaji tusaale :-
B) Isticmaal khudaar kugu filan.
T) Heerka sonkorta aad isticmaashid yaree ,hadii aad aroorta hore isticmaashid cunto sonkor ka samaysan sida bariis ,baasto iyo daqiiq ,duhurka marka ay gaadho isticmaal cunto aan intan ka koobnayn .
J) Milixda cuntada badan lagu darsado waxa ay kordhisaa in cadaadiska dhiiggu uu sareeyo .
X) Subaga/duxda aad u yaree , duxda badan qofku hadii aanu socon oo jimicsi iyo hawlo badan anuu qabanayn jidhku uu ururinayaa waxa dhici karta in miisaanku uu siyaado xididada halbowlayaasha ah in subaga badan uu ku dhego gidaarada kadibna hadhow si fudud u xidhmi karaan .
KH) Haddii leedahay dhiikar fadlan xadiyee cadaadiska dhiigga oo dawada sifiican u qaado cabirkana ku dedaal.
D) Haddii aad sonkorow la nooshahay ama macaan waa muhiim in sonkortaada aad xadiyeyso ,oo aad ku ilaalisid inta caadiga ah ,hadii uu sarreeyo fadlan la xidhiidh dhakhtarkaaga sonkorta xadigeedu uu badanyahay saamayn baahsan ayey ku keentaa wadnaha .
R) Isku buuqa , isku buuqu waxa uu keeni karaa korodhka baahida oksijiinta ee jidhka, bararka xididdada halbowlaha ah (wadnaha), iyo xasilooni darada korantada ee habka habdhiska wadnaha.
Cadaadis joogto ah ayaa la muujiyay inuu kordhiyo garaaca wadnaha iyo cadaadiska dhiigga, taasoo ka dhigaysa wadnuhu inuu si adag u shaqeeyo si uu u soo saaro socodka dhiigga ee loo baahan yahay hawlaha jidhka , hadii iskubuuq iyo feker badan aad leedahay fadlan xadee uma wanaagsana caafimaadka wadnahaaga.
WAA MUHIIM WADNAHAAGU SIDUU U SHAQAYNAYO IN AAD OGAATO HADII DA’DAADU U DHAXAYSO 20—40 JIR .
WAA MUHIIM IN AAD OGAATO HEERKA SONKORTAADA ADIGA OO AAN ISKA SHAKIYEYN .
WAA MUHIIM INAAD OGAATO HEERKA CADAADISKA DHIIGAAGU ADIGA OO AAN SHAKIYEYN.
FADLAN QAAB NOLOLEEDKAAGA BEDEL.
– sigaarka iyo balwadaha kale duwan saamayn baahsan ayey dhalin yarada ku hayaan waxa ugu badan ee ku keena wadne xanuunka waa balwadaha .