XIDIDKA LUGTA MAXAA KEENA?

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Lugta marna makaa qabtay xidid ?

Dareen wadka dheer ee ku qotoma lafta xangulaha ilaa lugta cidhibteeda waa mid ka mid ah kaararka ugu xanuunka badan ee qofku uu wajaho.

waxa ugu badan ee sababa waa cadaadis saaid ah oo saarma neerafka ,caabuq ku dhaca neerafka dareenka siiya lugta iyo jug gaadha lugta siiba misisgta iyo sinta.

Jugta ama dhaawacu waxa uu ku dhacayaa neerfa loo yaqaan sciatic nerve .

ereyga “sciatica” waxaa badanaa loo isticmaalaa in lagu qeexo xanuun kasta oo ka soo jeeda dhabarka hoose oo ka soo baxa lugta. Waxa xanuunkani wadaagaan waa dhaawac soo gaadhay neerfaha.

CALAAMADAHA XIDIDKA LUGTA.

Calaamadaha qofku uu dareemayo waxa ay ku xidhantahay dhaawacu siduu yahay dareenka lugta siiyo hadba inta uu gaadhsiisanyahay.

  • Gubasho lugta aad ka dareentid.
  • In irbad lagu mudmudaayo.
  • Kabuubyo.
  • Marka aad istidhaa dhaqaaq waxad dareemaysaa kaar saaid ah .

MAXAA SABABA XIDIDKA LUGTA ?

  • Dhaawac/jug soo gaadha lugta.
  • Da’du marwalba oo ay sii korodho waxa aad u sahlanaysa jaaniska ay ku dhaawacmi karaan hab dareenka neerfaha.
  • Miisaanka saaidka ah ,mar walba oo miisaankaagu siyaado lafdhabarta iyo dareen wadka kasoo baxa xanguluhu waxa ay isku dayeyaan inay culayskaa saaidka ah udulqaataan laakin miisaankaas waxa uu dhaawacayaa dareen wadka lugta waana sababta dadka miisaanka leh ay u dareemaan xidid iyo lugo xanuun saaid ah.
  • Jimicsi culus ,jimicsi aanu jidhkaagu isku dheeli tirnayn iyo qaab fadhiga aad u fadhiisato oo aan wanaagsanayn.
  • Xanuunka macaanka/sonkorwga qofka lanool marwalba oo sonkortiisu ayna kantorol ahayn oo ay sarayso halis waxa uu ugu jiraa in ay dhaawacmaan dareen wadka dhabarka iyo lugaha..
  • Fadhiga badan ,ee aanad samaynayn dhaqdhaqaaq iyo jimicsi waxa aad halis ugu jirtaa culaysbadan in uu saarmo dareen wadka lugta ee sinta maraya .
  • Sigaarka ,sigaar waxa ku jirta nicotine saamayn aad u weyn ayey ku leedahay dadka qiijiya sigaarka waxa ay nuglaysaa xanuunada ku dhaca dhabarka ,dareemayaasha dareenka siiya dhabarka iyo jidhka qaybtiisa hoose .

SIDEE LOO DARYEELAA XIDID MARKA UU KU QABTO?

  • Isticmaal booshad uu ku jiro baraf iyo biyo diiran ,maalinta koobaad ilaa 20 daqiiqo ku qabo barafka meesha xididku uu kaa hayo , laba cisho marka aad barafka isticmaashid hadana bedel 20 daqiiqo ku kubo-kubee biyaha diiraan .
  • Isticmaal xanuun baabiiye aan saamayn kulahayn caafimaadka micnaha aanad ku lahayn xasaasiyad , dawooyinka qaar ayaaa saameeya beerka iyo kalyaha hadaa xanuunada la nooshahay la tasho dhakhtarkaaga iyo dawoyaqankaaga.
  • Marka aad hawl qabanaysid dhabarkaga toosi ,hadii aad fadhidid every 20 qadiiqoba dhaqdhaqaaq samee , kabaha aad xidhanaysid yeyna cuslaanin .

HADII DHABARKA JUG KA QABTID LA TASHO DHAKHTARKAAGA MARWALBA .