Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Ilkaha iyo afku waa albaabka ay ka bilowdaan habdhiska dheefshiidka .
Haddii ilkahaagu(gawsuhu)dhib ay qabaan waxa muhiim ah dhibtaas iyo xanuunka ka jira in aad goor hore aad daaweyso.
maqaalkan waxa aan idinla wadaagi doonaa qodobo ku anfaci doona oo ilkahaaga ku ilaalin doona caafimaad iyo awood.
- Cab biyo leh maadada fluride oo ka caawinaysa awoodda ilkaha badanaa biyaha aynu isticmaalno si dabiici ah ayey ugu jirtaa maadadan.
- Isticmaal daawooyinka ilkaha sida colgate oo ay ku jirto xaddi fiican oo fluride ah .
MAADADA FLURIDE MAXA AY INAGA CAAWISAA?
- Waxa ay yaraysaa acid(aysiidha) ay bakteriyadu aysoo dayso taas oo ay ku wiiqayso adkaanta ilkaha iyo awooddooda.
- Sifiican aad u cadday ilkaha adiga oo wadaya ugu yaraan wakhti ah 15min.
- Isticmaal caddayga ugu yaraan 5 wakhti maadama diinteena suuban sune ay inooga dhigtay in shantii salaadoodba afka la daahiriyo si meesha looga saaro cuntooyinka ku hadha ilkaha dhexdooda iyo dushooda.
- Hadii ay ilkahaaga banbanaanyihiin waxa muhiim ah in aad isticmaashid dental flosses .
- Booqo dhakhtarka afka iyo ilkaha sanadkii laba jeer si loo eego badqabka ilkaha , waad booqan kartaa adigoo aan wax dhib ah ka cabanayn.
- Ha isticmaalin wax balwad ah ,waxa ay dhaawacaysaa ilkahaaga.
- Haddi aad lanooshahay xanuunka sonkorowga aad ayey muhiim u tahay in aad xadaysid heerka sonkortaaada taas waxa ay badbaadinaysaa caafimaadka ilkaha iyo ciridka.
- Haddi aad xanuuno la nooshahay oo aad daawo qaadatid ,daawooyinkaasna ay kugu keeni karaan af qalal/engeg taas uma wanaagsana afka dhakhtarkaaga degdeg ugu falceli oo usheeg.
- Isticmaal biyo nadiif ah oo caddan ah iyo cabitaano ayna ku jirin alkoolo.
- Haddi aad isbedel aad ka dareentid afkaaga sida dhadhanka oo isbedela iyo af-ur fadlan la xidhiidh dhakhtarkaaga .
- Hadii aad leedahay cirid dhiig ilkuhuna ku sililyoonayaan fadlan la wadaag dhakhtarkaaga.
- Isticmaal fiitamiino si caafimaadkagu u noqdo mid awood badan oo xanuunada iska difaaca.
- Aad u isticmaal daawooyinka afka nadiifiya sida colgate iyo chloroxidine .